Yaan Laguu xulune xulo oo xaaraan cune yuusan ku matelin

Marka dib loo fiiriyo muddada kooban oo ay maamullada ka dhismay dalka Soomaaliya dhismayeed dagaalkii sokeeye ka dib, waxey badanaa ahaayeen kuwo dalka dibaddiisa lagu soo sameyn jiray marka laga reebo kii ugu danbeeyay oo Xasan Shiikh lagu soo doortay oo, waa Ilaahey mahaddiise dalka gudahiisaa lagu dhisay.

Maamulladaas waxaa ugu horeeyay kii lagu soo dhisay dalka aynu walaalana nahay ee Jabuuti, oo uu sida weyn waqtiga iyo hantidaba uu u geliyay madaxweyne Ismail Cumar Geelle. Natiijadii ka soo baxdana waxa ay noqotay, maalinba meel ha soo joogtee midda aynu maanta heysanno, oo ku dhisan qaabka 4.5ka. Taasina waa midda Soomaali ay isku raacday wallow doodo ay jiraan oo aan anigu ka mid ahay kuwa qaba in, dhibic shantu, ay meel ka dhac ku tahay ummadda Soomaaliyeed oo ay u eg tahay isliidid iyo waxaan ummadda Soomaaliyeed kala qabannin. Waxey noqotaba maanta middaas ayaa na hortaalla maalintii laga gudbaba, maalmaha soo socdana iyadaa wax lagu soo xulannayaa inta laga gaarayo doorasho xor ah, oo uu qof kasta oo Soomaali ahi uu ninkuu doono ku soo xusho waxa uu ugu xisho.

Waxaase maanta ka duwan in yar sida Baarlamaanta Soomaaliyeed xubnahiisa loo soo xulayo, oo waxaan anigu arkaa inaan maanta la isu soo xuleynin sidii ay sameyn jireen nimankii boobay maamulka dalka oo iyagu key rabaan kaliya keeni jiray iyada oo aan loo fiirin waxa uu ummadda amaba qabiilka uu metelo uu u soo kordhin karo. Sababta ugu weyn ee keeneysa in maanta ay arintu ka duwanaato tii hore waa tirada dadka ah ee lagu soo daray dadka xulaaya xubinta Baarlamaanka u metelaya dadka walaalaha ee iyaga dalyada iyo xigtonimadu ay wax isugu dartay. Waana 50ka qof ee ka sareeya siyaasiga amaba ugaaska reerka oo iyagu fursad u helay inay cod ku yeeshaan soo xulidda xubinta iyaga Baarlamaanka Soomaaliyeed ku meteli doonta.

Weli waxaa jirta dood aan la yareysan Karin oo dhaheysa weli iyagii (odayaashii dhaqanka) ayaa soo xulaya maadaama ay kontonkaba iyagu keenayaan oo awooddii soo xulitaanka iyaga la siiyay. Waa dood macquul ah oo weliba wax badani ka run yihiin, laakiin waxaa aniga ii muuqda wacyiga dowladnimo ee dalka afar sano ka hor waa ka sareeyaa oo maanta dad badan oo wanaagsan oo wax qaban kara ayaa iyagu u diyaar ah inay ka dhinac tartamaan kuwaan meesha iska fadhiya oo aan iyagu garanaynin waxaanan aheyn, maxaa aniga jeebka la ii gelinayaa amaba yaan anigu meesha ku darsanayaa oo aysan indhahooduba arkin horumarka dalka iyo dalka ay iyagu metelaan. Wacyigaas ayaana aaminsanahay inay wax weyn ku soo kordhin doonaan sanadkaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliyadeed ay dalka Soomaaliyeed u soo xulan doonaan.
Waxaase lagama maarmaan ah in la is xasuusiyo in dhibaatada dalka heysata oo qabiil kasta oo Soomaali ah hoos ugu soo noqotay inay sabab u yihiin xubnaha ay Baarlamaanka iyaga ku metelaayay sanadihii la soo dhaafay, oo badanaa waxey ahaayeen kuwo dhuunta wax ka arka oo indhahooda wax ku arkin, una daneynin dadka ay metelaan. Hadaba si aysan taasi noogu soo noqonnin maxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed?

Waxaan qabaa in ay lagama maarmaan tahay in uu dalku galo xaalad ka fiican midda uu maanta ku jiro, taasina waxa ay ku imaan kartaa oo kaliya haddii Soomaali soo xulato dad xil kas ah oo weliba iyagu sal u noqda aayaha iyo mustaqbalka dalku yeelanayo maadaama ay iyagu yihiin kuwii soo xuli lahaa madaxweynaha uu dalku yeelan doono. Waxaa badanaa dadka metela midaanba ogeyn inuu adiga ku metelo, kuwaaba u heysta inuu isagu meesha u joogo cidaan la garaneynin oo ku faanna anigu dadka aan metelo wax aan u qabtay ma jiro hadana raba in isaga mar labaad amaba mar sedexxaad dadkiisu soo doortaan. Soomaali iyadaa dooratay in qabiil qabiil wax loo soo doorto inta laga gaaraayo in qof kastaaba aagtidiisa wax ku doorto, sidaas darteed, midaan dadka uu metelo waxba u qaban, dalkiisana waxba uma qaban karo, waana inuusan ku soo noqonnin golaha baarlamaanka dalku yeelan doono.

Waxaan ku soo gabo gabeynayaa, haddii Soomaali rabto in laga baxo dhibka dalka iyo dadkaba heysta waa in Soomaali soo xulataa kuwo loo qaateen ah oo iyagu wadaniyiin ah garanna kara halka ay ku jirto danta dadka uu metelo, dadka Soomaaliyeed iyo dalkaba. Waana in si fiican looga feejignaado inay baarlamaanka ku soo noqdaan kuwa aanan aqoonta laheyn oo iyagu sidii mooryaanta inay wax u maamulaan raba oo isbaarada u arka shaqada baarlamaanka oo aad arkeyso maalinta wax la duminyo oo aanba garaneynin in wax la dhiso.

Soomaaliyey waxaad heysataa fursad sanado badan la sugi doono haddii ilaahey nabad nagu gaarsiiyo, oo ay tahay inaan berri lagu calaacalin sanado ayaa dalka ka qasaaray, ee xulo xildhibaan xil kas ah, oo xoolaha masaakiintu ka nabad gelayaan, oo yaan laguu xulin xaaraan cune isagu dantiisa ma ahane aan dalka iyo dadkaba aanan ka fekereynin. Haddii baarlamaanku hagaago, oo Soomaali ay xilkasiin u soo xushaan golaha hoose iyo midka sareba, waxaan hubaa iyaguna inay keeni doonaan madaxweyne xil kas ah, oo dadka iyo dalkaba horumar u horseeda.

Qore: Cabdixakin C. Casir
[email protected]