Xukuumadda Federaalka oo soo saartay sharciga habraaca doorashoyinka dowladd goboleedyada (Akhriso)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa soo saartay habraaca doorashooyinka dowladd goboleedyada oo ka kooban 27 qodob.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in la adkeeyay muhiimada fulinta habraaca oo waafaqsan dastuurka KMG ee dalka u dagsan.

Sharcigaan ay soo saartay Dowladda dhexe ee federaalka ayaa la filayaa saacadaha soo socda inay jawaab ka bixiyaan dowlad goboleedyada, iyadoo uu ku soo beegmay xilli dhowaan la filayo in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

Let’s block ads! (Why?)