Xog Sabata Xilka Looga Qaaday Taliye Facadde Kuxigeenkii Hay’adda Nabasugidda Galmudug

Taliye Kuxigenkii Hay’adda Nabasugidda Qaranka Qaybta Galmudug Ganshaanle Dhexe C/risaaq Maxamuud Sheeq Yuusf{Faracadde}oo in muddo ahaa Sargaal sare oo katirsanaa Hay’adda Sirdoonka yo Nabadsugidda Qaranka ayaa Xilkii laga qaaday kabdib markii uu lakulmay Cadaadis kaga yimid Hogaanka Dalka soomaaliya sida aan kuhelay warar hoose oo arinkaa la xiriira

Faracadda oo muddo kasoo shaqeeyay Deegnada Galmudug xog’ogaalna u’ah xaaladaha amni ee Deegnada Galmudug ayaa soo qabtay Xilal kala duwan asaga oo Noqday Xilligii Madaxweyne Qaybdiid Taliyihii Hay’adda Nabadsugida Qaybta Galmuudg waxa uu sidookale noqday Taliyihii Qaybta Goblaka Mudug Xilligii Madaxweyne C/kariin hada waxa uu ahaa Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabadsugida qaranka qaybta Galmuudg waxa uu sidookale kasoo shaqeeyay Magaalada muqdisho oo uu kamid ahaa Sarakiishii aas aaska u’ahayd Hay’adda waxa uu sidookale 2007-2012 kasoo shaqeeyay Gobalka shabeelada Hoose waxa uu gacan wayn ka gaystay ladagaalanka Burcad badeeda Iyo Kooxda Alshabaab halka dhismihii Hay’adda Nabasugida Qaybta Galmuudg ay ku gulaysteen ladagalanka kooxihii jidgood Goyooyinka

Inkastoo Taliye Faracadda uu ahaa sargaal ay ka go’antahay sidii deegnada galmudug ay unoqon lahayd meel nabad ah hadana waxa uu haatan kamid ahaa saraakiil ku howlanayd sidii loo xorayn lahaa deegnada ay ku sugan yihiin Malayshiada Al-shabaab ee Gobalada Mudug Iyo Gal-gaduud hasa ahaatee lama shaacin ilaa iyo hadda sababta xilka looga qaaday Taliye Kuxigeenkii Nabasugidda Qaybta Galmuudg balse waxaa jira warar hoose oo aan halayno kuwaa oo ku aadan sifaha loo maray Xilka qaadista Faracadda

Taliska dhexe ee Nabasugidda soomaaliya ayaa maalmo kahor magacaabay xilal cusub kuwaa oo loo soo magacaabay Galmuudg waxaana kamid ahaa C/raxmaan Bayr oo Madaxweynaha ay ehal dhaw yihiin kaasi oo dad kusugan Cabuudwaaq ay isheegeen in lagu badalay Booskii Faracadda waxaana arinkaa sida lasheegay ka dambeeyay Madaxa Wardoonka Hay’adda Nabadsugidda soomaaliya Sakariye oo asana ay madaxweynaha ay isku beel yihiin Waxaa sidookale jira Nin kale oo sheegta inuu yahay Madaxa Shaqaalaha balse ku shaqeeya Xilka Taliye Kuxigeenka Nabadsugidaa kaasi oo Madaxweyne Farmaajo ay isku hayb yihiin Waxaa sidookale lamagacaabay Axmed Aaadan Taliyaha Ciidamada Jooga Maamulo Gobaleedyada kaa oo asna ay hayb wada yihiin Farmaajo

Dhinacakale Taliye Faracadda waxa uu ahaa Saargaalkii Gaacanta kudhigay C/kariin Qalbi Dhagax kadibna waxaa lafaray in uu ku wareejiyo Saraakiil Itobiyaan ah iyo soomaali ah kuwaa oo kusugnaa Gobalka Mudug hasa ahaatee waxaa uu ka horyimid Amarkii dhiibista Qalbi dhagax sida ay isheegeen Dad ka agdhaw Taliyaha Blase waxaa markii dambe lafaray in Diyaarad taagan Garoonka Oshaca uu soo saaro taa oo kadajisay Magaalada Muqdisho waxa uuna Gacanta ugu galiyo Dowladda Dhexe ee soomaaliya waxaana jiray muran dhax maray Agaasimihii Xiligaa Sanbaloolshe kadib markii Faracadda uu dalbaday inan Muwaadinkaan lagu wareejin Itoobiya

Sikastba ha ahaatee Faracadda Amarka uu kahoryimid ma ahayn qalbi dhagax oo kaliya waxaa jiray in lafaray in uu soo xiro Alaha Unaxariistee Sheeq C/wali Sheq Cali Cilmi yare hasa ahatee waxa uu dalbaday in lakeeno warqad Maxkamadeed waxaa sidokale jiray in lagu eedeeyay wada shaqayn uu la leeyahay Ahlu suna waljamaac iyo Madaxweyne Xaaf kadib markii sida lasheegay uu kabiya diiday Ridistii Madaxaweyne Xaaf ee sanadkii Tagay

Let’s block ads! (Why?)