Xog Kusaabsan Dhismaha Iskuulka Dagmada Hobyo Warbixin+Sawiro

Masuuliyiin Katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa Kormeer Kutagay Dhismaha Iskuulka Dagmada Hobyo Ee Gobolka Mudug oo hada meel Fiican maraya

Masuuliyiinta Kormeeray Dhismaha Iskuulka ayaa waxaa kamid ah Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka Soomaaliya Sanator Cabdi Xasan Cawale Qaybdid Xidhibaan Axmad macalin Fiqi Wasiirka Dekadaha Galmudug C/Qaadir Qalabxoor Gudoomiyaha  Dagmada Hobyo Cabdulahi Axmad ALI  iyo kuxigen maxamud maxamad cawale

Gudoomiyaha Hay,ada samafalka Duale Kahiye Foundation oo ah Hormuudka Dhismaha Iskuulka ayaa waxa uu sheegay in Madaxda Dowladu ay Ay arkeen Baahida Looqabo Goobo Waxbarasho waxaana uu umahadceliyay Madaxdii Halkaas Tagtay Gaar ahaan  Sanator Cabdi Xasan Cawale Qaybdid Xidhibaan Axmad macalin Fiqi Wasiirka Dekadaha Galmudug iyo dhamaan masuuliyiinta dagmada Hobyo

waxaana uu Gudoomiyaha Hay,ada samafalka Duale Kahiye Foundation sheegay in Madaxdu ay Nagu dhiiri Galiyeen Howsha Iskoolka Hobyo ayna Balanqaadeen in aygacan Kageysanayaan Dhamaystirka dhismaha iskoolka Hobyo iyo socodsiinta waxbarasho tayo leh

…Waxaan kaloo umahad celinahaya Jaaliyada Galmudug Rojestar America oo biloowgii dhismaha iskoolka hobyo iyo dhameeystirka dhismaha iskoolka Hobyo si hufan oo hagar la aan ah uga qeeyb qaadatay.sidaas Waxaa Yiri Gudoomiyaha Hay,ada samafalka Duale Kahiye Foundation Maxamed Salaad Ducaale

Waxaa xusid mudan una mahad celinayaa Jaaliyaha kaqeybqaatay  dhismaha iskoolka Hobyo  sida Jaaliyada Galmudug ee Neyrobi Kenya,Uk London  Birmingab,Holand,Sweden,Kanada,Iyo Usa Minneapolis,Namaraska iyo Rojestar.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

BY Axmed Khaliif Geedi

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

[email protected]        

[email protected]

TELL:25290-7647333/252167150440 

Let’s block ads! (Why?)