Xildhibaanada HirShabelle oo ka laabtay Mooshinkii Ay Ka Keeneen Waare

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku dhawaaqay in ay dib ula laabteen Mooshinkii ay ka keeneen Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaanadan oo kor dhaafayay illaa 50 Mudane ayaa shaaciyay in ay garwaaqsadeen in xilligan aysan qaadi karin  HirShabelle is qab qabsi iyo jahwareer siyaasadeed intaba.

Dhankiisa guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cismaan Barre ayaa soo dhaweeyay tanaasulka ay sameeyeen Xildhibaanada maamulkaaasi.

Sidoo kale kulanka waxaa goob joog ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo uga mahadceliyay Xildhibaanada  go’aanka qaateen.

Waxaana uu xusay in Mooshinka laga keenay uusan u arkin mid isaga lagu dhibaateynayo, balse  kaliya uu u arkay mid wax lagu saxayo, sida uu hadalka u dhigay.

HirShabelle ayaa la ciir ciireysa dhibaatooyin xoogan oo ay ugu horreyso dhinaca amniga, maadaama ay weli xiran yihiin Waddooyin muhiim ah oo isku xira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Let’s block ads! (Why?)