Xildhibaanada beesha Isaaq oo ka baxaya Baarlamaanka Soomaaliya

Soomaaliya waxey dooneysa iney ka gudubto dastuurka KMG ah, waxaana socda qorshe lagu dhameystiraayo dastuurka qabyada ah, xili uu maqan yahay maamulka Soomaaliland.

Dood xoogan ayaa shalay qabsatay golaha shacabka kadib markii xildhibaanad beesha Isaaq ay arrinta dastuurka ku sheegeen mid Koonfurta Soomaaliya u gaar ah.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaanada Somaliland kasoo jeeda ee ku jira Golaha Shacabka ayaa sheegay iney u baahan yihiin in loo cadeeyo hadii dastuurkaan uu yahay mid Koonfur u gaar ah ama wax Soomaalida ka dhaxeeya ,madaama howshu socoto iyadoo ay maqan tahay Somaliland.

Wuxuu sheegay in iyagu aaney aheyn xildhibaano soo shaqo tagay balse ay kuraasta ku mataalan sadex meelood meel Jamhuuriyada Soomaaliya, ayna xaq u lee yihiin in arrimahaas lagala tashado oo looga dambeeyo. Hadii ay taasi dhici weyso waxaa uu sheegay iney ka bixi doonaan dhamaan hay’addaha Dowlada Federaalka ah.

Let’s block ads! (Why?)