Xasan Cali Kheyre: “Drs. Xaawa Cabdi waxaan ku xusuusan doonaa kaalintii ay ka geysatay badbaadada umadeena”

Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowaan golaha Baarlamaanka kalsoonida kala laabtay ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Drs. Xaawa Cabdi, isagoona Alle uga baryay in eheladeeda samir iyo iimaan ka siiyo.

Xasan Cali Kheyre qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay inay kaalin ka geysatay badbaadada dadka kuwooda nugul, halkaasi oo daryeel caafimaad ay ka heli jireen isbitaal ay iyadu asaastay.

Ra’iisal wasaare hore Xasan Cali Kheyre oo muddo ka badan saddex sano iyo bar waxa ay xukuumadiisu soo qabatay kala duwan, iyadoo qeyla dhaan weyn laga muujiyay  kalsooni kala noqoshada baarlamaanka.

Waxa uu sheegay inaysan sharci ku dhisneyn xil ka qaadistiisa hase uu iska casilayo xilka ra’iisal wasaarenimada duruufaha dalka ka jira awgood, hase yeeshee dhowaan ayaa la filayaa in madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ra’iisal wasaare cusub.

Somaliweyn Media Center (SMC)

Muqdisho – Soomaaliya

Let’s block ads! (Why?)