XAGJIRNIMADA BIDIXDA IYO XAGJIRNIMADA MIDIGTA: DHIBAATO SOO KORODHAY MISE DHEEF?

Xagjirnaimadu waa noocyo badan tahay, oo waxay ka timaadaa falcelinta dadka ey ka falceliyaan xaalad lasoo gudboonaata. Dhanka kale, Bidix iyo Midig, waa miisaan lagu qiyaaso habdhaqanka, go’aan qaadashada iyo falcelinta bulshada ee ku aaddan xaaladaha soo food saara noloshooda oo dhan; ha noqoto; mid siyaasadeed, mid bulsho, mid diineed, mid deegaan, mid dhaqan, mid dhaqaale IWM. Tusaale ahaan, xisbiga Bidixda ee siyaasadda waa xisbi kacdoon iyo baahinta xuquuqda, halka xisbiga Midigta ee siyaasadda uu yahay xisbi amar adag iyo kala danbeyn adag. Inkastoo aadanuhu inta la xusuusan yahay uu labadaas dhinac kala ahaa, Bidix iyo Midig, haddana isticmaalka erayadaa waxaa dunida ugu horreysay kacaankii Faransiiska 1789kii, markii xildhibaanada baarlamaanka Faransiiska ey u kula jabeen Bidix iyo Midig.

Bidixda waxaa istaagay xildhibaanada taageersanaa kacaanka dadweynaha Faransiiska ee doonayay xuquuqdooda, Midigna waxaa istaagay xildhibaanada taageersanaa Boqorka talada hayay—oo iyagu doonayay kala danbeyn iyo in Boqorka loo hogaansamo qalad iyo saxba. Haddaba annagoo ka duuleena qeexiddaan kor ku xusan, waxaan isku dayi doonaa inaan bal ku eegno cinwaanka dhigaalkaan; XAGJIRNIMADA BIDIXDA IYO XAGJIRNIMADA MIDIGTA: DHIBAATO SOO KORODHAY MISE DHEEF? Inkastoo xagjirnimadu ey noocyo badan tahay, meelo badanna ey gasho, xagjirnimada aan dhigaalkaan ku qaadaa dhigeyno waa tan diinta labadeeda daan. Si kale haddaan u dhigo waa xagjirnimada diinta ee bidixda iyo midigta.

Haddaba maxaan ula jeednaa xagjirnimada diinta ee Bidixda iyo tan Midigta? Haddaan tan danbe ku horreyno, xagjirnimada diinta ee Midigta waa isku adkeynta diinta ama qaadashada fasiridda qallafsan ee diinta heer uu qofku gaaro inuu dadka u laayo fasirka uu diinta ka heysto aawadeed, ama uu isku dilo si uu u laayo dadka ka fasir duwan. Xagjirnimada diinta ee Midigta waxay kala leedahay heerar, waxaa ugu sarreeya inuu qofku naftiisa u dillo si uu dadka ka aragti duwan u dilo, waxaana ugu hooseeya, in qofku aamino inuu aragtidiisa ama aragtida shiikhiisa ama aragtida kooxdiisa ey tahay tan kaliya ee saxda ah, aragti walba oo ka duwan tuu heestana ey tahay baadil. Xagjirnimada Midigta waa mid aan aragnay miraheedii, oo aan haatan ku noolnahay—kaas oo aad ugu badan dunida Muslinka. Badi urur diimeedyada waxay kala heystaan heerarka xagjirnimada Midigta ee u kala qeybsama; af, addin iyo fikir. Fikirka oo xagjir laga noqdaa wuxuu dadka ku arooriyaa afka oo xagjir laga noqdo, waxaana uu isugu biyo shubtaa gacan ka hadal, ilaa qofka fikirka xagjrnimada Midigta xanbaarsan uu wax dillo ama la dillo. Afka oo xagjir laga noqdaa waa qofka kaa aragti duwan oo aad xeendaabka diinta ka saarto, ama sida badi dhacdo fatwo wax loo yaqaan laga soo saaro iyadoo la leeyahay hebel waa gaaloobay. Taasina waa mid aad ugu farabadan dunida Islaamka.

Dhanka kale, xagjirnimada diinta ee Bidixda ma’aha in qofku diinta ka baxo shaqsi ahaantiisa, isagoon cidna dhib u geysaneyn. Diinta qasab ma’aha sida Quraanka ku cad, ee waa colaadinta af iyo addin dadka diinta doonaya iney heystaan iyo, qaadashada iyo ku dhaqanka aragti walba oo sababeysa colaadinta dadka diinta heysta xujo la’aan. Tusaale, hantiwadaagu wuxuu ahaa fikir ‘ideology’ ku saleysan inaan Abuure jirin, dunida ey iska tahay dabeecad. Karl Marx oo ahaa asaasihii hantiwadaaga, wuxuu colaad ba’an u qaaday dadkii ka aragti duwanaa ee diimaha heystay. Hase ahaatee, cidna dan kama gelin maadaama uusan cidna wax yeeleyn xilligaas. Balse, taageerayaasha karl Marx markey awood yeesheen waxay surka u dheereeyeen qofwalba oo ey soo qaban karaan oo aaminsanaa in Abuure dunida abuuray uu jiro. Josef Stalin, tusaale ahaan, wuxuu ahaa hogaamiyhii xisbiga Hantiwadaagga ee Midowga Soofiyeedka 1922-1952, soddonka sano uu xukunka hayay wuxuu gumaaday malaayiin dad ah, sababta uu u laayayna waxay uun aheyd iney aqbali waayeen fikirka Hantiwadaagga oo kasoo horjeeday diimaha. Hadalada taariikhda galay ee uu Stalin ka tagay waxaa kamid ahaa: “hal qof oo la dilaa waa dhibaato weyn, malaayiin oo la xasuuqaana waa uun tiro [xisaab]”. Sidoo kale, Guddoomiye Mao Zedong ee Dadka Shiinaha oo ahaa sida Stalin xagjir bidixda fog, sanadihii u dhexeeyay 1943kii iyo 1976kii wuxuu xasuuqay malaayiin dad ah.

Isku soo wada duuboo, tan iyo markey soo baxeen ururada argagixisada ee xanbaarsan fikirka xagjirnimada diinta ee Midigta fog, waxaa soo baxay dadyow badan (wallow eysan ururo ku nidaamsaneyn) kuwaas oo diinta iyo dadka diimaha heysta u qaaday colaad ba’an, iyagoo isku qaaday ururada argagixisada xagjirka Midigta iyo dadka caadiga ah ee dhexda jooga. Dadkaan oo diinta uga baxay hab dhaqanka qallafsan ee xagjiriinta Midigta heerarkiisa kala duwan; af, addin iyo fikir ayaa colaad kala soo jeestay dhanka Bidixda fog ee giraanta. Xagjiriinta Bidixda cidna ma heysateen haddii ey diinta ka baxaan iyagoon dadka ku colaadineyn, laakiin nasiibdarro, colaad dhan walba ah ayey dhanka kale kala soo jeesteen—taas oo ka dhigeysa xagjirayaal sida xagjirayaasha Daacish, Alshabaab, Al-Qaacida IWM. Tusaale ahaan, inanta reer Sacuudi ee sheegtay iney diinta ka baxday usbuucii hore, intaas kuma ekaanee waxay muujisay cadaawad ey u qabto qofwalba oo Muslim ah, ama ey ka urineyso Islaannimo. Dabcan, inantaa yar ma doonayo inaan dhaliilo, sababtoo ah ma garannayo xaaladdeeda kasmonafeed, aqoonteeda iyo garaadkeeda toona, balse, waxay tusaale nool u tahay xagjirka Bidixda fog.

Rahaf Maxammed waa haweeney 18 jir Sacuudiyaan ah oo ku dhalatay Muslinnimo, hase ahaatee dhowaan shaacisay iney Islaannimada ka baxday. Rahaf waxay kasoo baxsatay reerkoodii, waxayna usbuucii hore soo gaadhay dalka Thailand, halkaas oo ey ku qabteen ilaalada gegida duyuuradaha Bangkok. Rahaf, oo ka cabsi qabta in lagu celiyo dalkeedii Sacuudi Carabiya ayaa isku xirtay qol ey ka degeneed Hotel ku yaala gegida duyuuradaha Bangkok. Rahaf oo kaashanaysa teleefanada sarriigan iyo warbaahinta baraha bulshada ayaa dunida soo gaarsiisay qaylo-dhaan ey ku leedahay iga soo gaarooy, Islaanimada waan ka baxay, waxaan rabaa nabadgelyo banii’aadannimo. Durbadiiba waa laga soo jawaabay qaylo-dhaanta Rahaf, waxaana hotelka ugu yimid madaxa hay’adda qaxootiga adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR. Qisada Rahafna waxay noqotay mid warbaahinta dunida ey aad u qaad-qaaddo, ilaa waddamada reer Galbeedka ey tartan u galeen qoladii Rahaf martigelin laheyd oo u fidin laheyd magangelyo banii’aadannimo, waxaana ku guuleystay dalka Kanada—oo ey Rahaf haatan ku nooshahay.

Rahaf, sidey sheegtay waxaa reerkeedu kula dhaqmeen sida banii’aadannimada ka baxsan, iyagoo ka qaaday xuquuqdeedii qofnimo. Rahaf waxay ku doodaa in dumarka Sacuudiga lagu hayo xadgudubyo banii’aadannimo, iyagoon laheyn wax xuquuq ah haba yaraatee, taas oo ey u dheertahay tacaddiyo ka baxsan insaaninimada, waa sidey hadalka u dhigtay e. Sidoo kale, Rahaf waxay ku doodaa, in dumarka Sacuudigu ey wada doonayaan iney u noolaadaan sida dumarka adduunku u noolyahay, waxayna in badan isku dayaan iney reerkooda ka baxsadaan, qaarkii lasoo qabto, waxay tiri; qoorta ayaa loo dheereeyaa. Yeelkadeed, subaxdii ugu horreysay Rahaf ey kasoo kacdo dalka qabowga badan ee Kanada, waxay ku quraacatay cadad laga soo gooyay dhabarka doofaarka oo la solay, kaas oo afka qalaad lagu yiraahdo ‘bacon’. Rahaf oo ku faraxsan cunidda bacon, ayaa sawir ey iska soo qaaday soo dhigtay barteeda Snapchat, iyadoo sawirka ku dul qortay ‘OMG Bacon’ ‘Alle waa hilib doofaar’. Dhaqanka Rahaf ayaa waxaa lagu tilmaami karaa, xayawaan xabsi muddo lagu hayay oo deedna oodda laga soo rogay.

Nafina ma qaadayso denbiga iyo gaboodfalka naf kale, sida Eebe Quraanka noogu sheegay. Ku dhaqanka diinta iyo u shaqeysiga aakhiro waa arrin shaqsi, sababtoo ah qofna ma awoodo inuu qof kale naar geliyo ama janno geliyo si walba uu u jecelyahay qofkaas ama u neceb yahay. Sidaas aawadeed, qofkii diinta raacaa sida Quraanka Eebe ku celceliyay naftiisa unbuu axsaan u sameeyay, qofkii ka baxaana naftiisa unbuu dhibay—Eebana janno iyo Naar xikmad ayuu u sameeyay. Haddaba annigu ma doonayo inaan ka hadlo diin ka baxa ey Rahaf ku dhowaaqday waa aarrin nafteeda qusaysa, aniga ama cid kale midna ma quseyso. Balse, waxa na wada quseeyaa waa falcelinta xagjirnimada ku dheehan ee Rahaf iyo qaarka lamid ah ee diinta ka baxay ee la yimaadaan, kuwaas oo si naxariis ku dheehan lagu sifeyn karo xagjiriin Bidixda fog ah. Calaamdaha lagu garto xagjiriinta bidixda fog waxaa kamid ah, markey diinta ka baxaan meeshey danahooda ka raacan lahaayeen, waxay aflagaaddo ugu dhaqaaqaan tiirarka rumeynta diinta Sida Alle, Rasuulkiisa iyo Quraanka. Qolooyinkaas waxaan leeyahay waxaad doontaan naftiina ku sameeya, kun mar gaalooba haddaad doontaan, balse ogaada xadgudubka dadka idinka aragti duwan waa xagjirnimada aad laftiinu ka cabanaysaan.

Qiso aanan hubin dhabnimadeeda ayaa sheegaysa in aabe shiikh ahaa loo soo sheegay in inantiisa ey diinta ka baxday. Odayga oo ahaa nin lagu tuhmayay Alle ka cabsi badan, aqoon iyo aragti dheer; ayaa waxaa la is lahaa ugu yaraan wuu suuxayaa oo wuu ka naxayaa diin ka baxa gabadhiisa. Hase ahaatee, markuu xaqiisaday iney run tahay oo gabadhiisa ey diinta ka baxday ayuu yiri: Eebaa mahadleh, futadaan ogaa foolxamdeeda haddii ey Islaanka kala dhexbaday. Diinta oo laga baxaa ma’aha wax ugub ah, dad badan ayaa gaaloobay kadib islaanimadooda, xisaabtoodana Eebe ayaa ku shaqo leh. Balse, waxaa isweydiin mudan, gaaloowga dhalinta Muslimiinta intee in le’eg oo masuuliyad ah ayey bulshada Muslimiintu ku leeyihiin?

Shiikh Maxammed Al-Qasaali Eebe ha unaxariisto waxaa laga hayaa inuu yiri: “faafidda gaalnimada denbigeeda barkeed waxaa iska leh wadaadada cadaawadda kala dhex dhigay Alle iyo addoomadiisa, dhaqnkooda xun iyo hadalkooda taban aawadeed”. Dabcan, shiikhu wuxuu ka hadlayaa waa arrin waaqic ah oo jirta, qaar kamid ah wadaadada (ma dhihi karno dhammaan) ayaa si qallafsan oo xagjirnimo midigeed ah u dhaqma, taas oo sababta dad badan oo Muslimiin ah oo aqoon yari iyo garaad yari isku darsaday ey diinta ka baxaan. Taasina lama oran karo waa Islaamkii dhabta ahaa waxa dadku diinta uga yaaceen, ee waxaa lagu tilmaami karaa uun xagjirnimo midigeed oo ah dhaqan iyo aqoon aadane, ee aan aheyn tusaalaha dhabta ah ee Islaamka. Tusaale ahaan, waxa Sacuudigu ku dhaqmaa oo gabood fal xaquuq aadane ah meel ey kitaabka ilaahey iyo sunnada saxda ah ee suubanaha SCW kaga taal majirto. Sidaas aawadeed, dadkaan oranaya waxaan ka baxnay Islaamka, waxaan leeyahay Islaamkii dhabta ahaa maba aydiin arag, ee waxaad ka baxdeen oo aad ka dudeen waa dhaqanka dadyow sida Daacish iyo alshabaab iyo inta ku fikirka ah. Sababtoo ah, Islaamka saxda ah ma’aha mid laga dudo, ee waa mid dadka usoo dudaan, kaliya weydii malaayiinta reer Galbeedka ah ee 20kii sanadood u danbeeyay soo islaamay iyagoon tagin dal Muslim ah.

Haddaba, soo bixidda labadaan xagjir ee bidixda iyo midigta ka kala dhakoolay, ma dhib bey Islaamka kusoo kordhiyeen mise dheef? Sidaan kor aan kusoo xusnay, ku dhaqanka diinta suuban waa u shaqaysiga aakhiro, arrinkaasna waa go’aan shaqsi ah, oo aan cidna cidda kale ku qasbi karin. Faraska ceelka waad geyn kartaa, balse, kuma qasbi kartid inuu biyaha cabbo. Sababtoo ah, Alle ma eego jirka dadka iyo darajada ey ku dhex leeyihiin bulshada, ee wuxuu eegaa quluubta dadka. Qof qasab ku joogana mar unbuu xargo goosan sida gibinta Rahaf. Sidaas aawadeed, waxaa la dhihi karaa, soo bixidda labadaan xagjir (bidix iyo midig) waxaan dheef aheyn Islaamka kuma soo kordhin. Sababtoo ah, waxay bulshada ka kicisay hurdo dheer oo qarniyo ey ku jirtay, waxayna gelisay fikir dheer iyo iney dhaqankeeda wax ka bedesho.

Xagjiriintaan bidix iyo midig waxay Islaamka u yihiin nasri, kaas oo bulshada Muslimiinta u sababi doonta iney is muraajiceyso—qaladaadka iyo gaboodfalada magaca diinta lagu sameenayay qarniyada badan dib isaga saxdo, kuna laabato diinta saxda ah ee Eebe soo dajiyay—taas oo ah mid naxariis, naruuro, xorriyad iyo karaamo u xanbaarsan dhammaan naflayda koonkan ku nool oo dhan. Xagjiriintaan bidixda iyo midigta, waxay bulshada Musliinta ah u horseedi doonaan iney guluf u galaan sidii ey ula jaanqaadi lahaayeen dadyowga qeyrkooda ah ee qarniyada ka horumaray, iyagoo gulufkaan bud-dhig uga dhigi doonaa; iney joojiyaan xadgudubyada iyo gaboodfalada lagu sameeyo xuquuqda aadanaha; una ogolaadaan gabdhahooda iyo wiilashooda si siman xuquuq dhammeystiran ey facooda kula tartami karaan. Sidoo kale, arrinkaan wuxuu noqonayaa dheef haddii shucuubta Muslimiinta ah laga dulqaado xagjirnimada midigta ah ee diinta gaar ahaan iyo qallafsanaanta iyo; ku adkeynta diinta ee aan loo meel dayin.

Isku soo wada xooriyoo, xagjiriinta bidix iyo midig waxaa la dhihi karaa waxay sabab u yihiin kacdoon fikireed oo isbeddel doon ah kaas oo ka curtay dunida Islaamka, tan iyo intii labadaan xagjir ey soo baxeen. Waxaa dawladaha Islaamka sida kuwa Carabta ka curtay kacdoomo dadku ku doonayaan xuquuqdooda, qaar waa lagu guuleystay sida Tuniisiya, qaarna waa lagu fashilmay sida Suuriya. Si kastaba ha ahaatee, sunnaha Eebe waxaa kamid ah isbeddelka iyo horumarka joogtada ah, ama hala diido ama hala doono, labada dhinac midbuu u dhacaa. Ama dhanka xun ayuu u dhici oo dadku wuu hallaagsami (sida Suuriya) ama dhanka isbeddelka (sida Tuniisiya). Xorriyadda qeybaheeda kala duwan waa aasaaska ama waxa aadanaha uu uga soocmay dhammaan abuurka Eebe, haddii aadanaha laga qaado xorriyadda, xayawaanka kama duwanaanayo; tusaale waxaa noogu filan habdhaqanka Rahaf markey Kanada tagtay oo ey ka bilowday cunista doofaarka.

Qalinkii: Abdiaziz Arab

Let’s block ads! (Why?)