Xaaf: “Heshiiska Galmudug Iyo Ahlsunna Waxaan Ku Dhameyn Doonaa Dhuusamareeb”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa sheegay in ay ka go’antahay dhameystirka Wadahadalada Ahlusunna iyo Galmudug, si Xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeyay labada dhinac.

Waxaana uu tilmaamay in qodobada ka harsan Heshiiska lagu dhameyn doono Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa hoosta ka xariiqay in haatan dadaallada socda ay marayaaan meel wanaagsan, islamarkaana Galmudug ay diyaar u tahay in Heshiis laga gaaro arrimahaasi.

Shalay ayaa Heshiis horudhac ah madaxda Ahlusunna iyo Galmudug waxa ay ku gaareen Dalkaasi Jabuuti.

Let’s block ads! (Why?)