“Wiilkeyga waxaa uu qorsheynayey inuu dhawaan uu la aqal galo gabadh iyadana duuliya ah”.

Aaabbaha dhalay duuliyihi diyaaraddii Itoobiya ee burburtay oo BBC u warramay ayaa sheegay raalli gelinta ay shirkadda Boeing ka bixisay shilki diyaaradeed ee bishi hore dhacay ‘iney aad u yar tahay, ayna shirkadda raalli gelinta la soo daahday’.
Dr Getachew Tessema ayaa maalin kaddib marki ay shirkadda Boeing sheegtay inuu shilka diyaaradeed sababay habka duulista diyaaradda oo ay cillad ku timid la hadlay warbaahinta.
Maareeyaha guud ee Shirkadda Boeing ayaa sida oo kale sheegay iney ‘shirkaddu aad uga xun tahay dadki ku nafwaayey shilkii diyaaradeed’.
Diyaaradda Itoobiya ayaa bishii Maarso burburtay daqiiqada yar markay hawada ku jirtay iyada oo ka duushay garoonka caalamiga ee Addis Ababa waxaana ku dhintay 157 qof ee diyaaraddaasi saarneyd.
Si la mid ahna diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha ‘Lion’ oo laga lahaa dalka Indoneesiya ayaa iyaduna markay daqiiqado yar un hawada ku jirtay iyada oo ka duushay garoonka Jakarta buburtay shilkaasi oo ay ku dhinteen 189 qof oo diyaaradda saarnaa.
Natiijada hordhaca ah oo Khamiistii ka soo baxay guddigi baarayey shilki diyaaradeed ee Itoobiya ka dhacay ayaa muujinaya inuu shilka uu sababay habka duulista ee MCAS cillad ku timid.
Waxay sida oo kale guddigu sheegeen inuu duuliyaha diyaaradda uu cilladda diyaaradda ku timid laanta duulista uu ku soo wargeliyey talooyinka la siiyey oo dhanna uu raacay balse ay ka badbaadinin shilka diyaaradda inuu dhaco.
Hadalki ugu dambeeyey duuliyihi diyaaradda Itoobiya ee burburtay
Dadki ku dhintay shilki diyaaradeed oo maanta looga baroordiiqay Addis Ababa
Wasiiradda gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges ayaa Khamiisti warbaahinta u sheegtay inuu duuliyaha uu dadaalay “balse u suuragelin inuu diyaaradda shil uu ka badbaadiyo”.
Shilka diyaaradda 737 Max oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya ku yimid ayaa imanaya xilli ay bilooyin ka soo wareegeen shil kaa la mid ah oo ku yimid diyaaraddii noocaasi ahayd oo ay lahayd shirkadda Lion ee dalka Induniisya.
Aabbaha dhalay duuliyaha diyaaradda Muxuu yiri?
Dr Tessema oo aad uga murugeysan geerida ku timid wiilkiisa 29 jirka oo ahaa duuliyihi diyaaraddi burburtay ayaa sheegay inuu wiilkiisa uu waaya aragnimo ka badan 8,000 oo saacadood oo duulinta diyaaradaha uu lahaa.
“Wiilkeyga waxaa uu qorsheynayey inuu dhawaan uu la aqal galo gabadh iyadana duuliya ah”.
“Marki la ii sheegay shilka dhacay inuu wiilkeyga ku dhintay waan miir daboolmay maalmo ayaa isbitaalka la igu hayey ilaa iyo haddana waan u qaadan la’ahay geerida wiilkeyga ku timid” ayuu yiri Dr Tessema.
Wariyaha BBC Emmanuel Igunza wuxuu u sheegay “wiilkiisa iyo duuliyaha labaadba inuu ku faano runti sida geesinimada leh ay isugu dayeen iney diyaaradda shil uga badbaadiyaan balse nasiib darro ay ku guulyesan”.
Xog laga helay sanduuqa madoow ee diyaaraddii Itoobiya
Hooya malinwalba ku ooysa goobta ay ku burburtay diyaaraddii Itoobiya
“Kamana qoomameynayo inuu dhintay isaga oo duuliya ah, balse wuxuu dhintay isaga oo waajibkiisa shaqo gudanaya”.
Wuxuuna Dr Tessema eed kulul uu u soo jeediyey shirkadda Boeing isaga oo sheegay “Shilki diyaaradda 737 ee Induniisya marka uu dhacay kaddib maxay diyaaradaha noocaasi ah Boeing uga joojin weyday duullimaadyada? maxay ugu oggolaadeen iney diyaaradahaasi hawada ku sii jiraan? waxay taa ka dhigan tahay iney ganacsigooda mooyee nafta bani aadamka wax qiima ah la lahayn”
Shirkadda Boeing oo Khaldkeeda qiratay
Dennis Muilenburg oo ah Madaxa shirkadda diyaaradaha samaysa ee Boeing ayaa qiray in qaab ka mid ah hannaanka ay diyaaraddu u shaqayso ay gacan ka gaysatay labadii diyaaradood ee burburay shantii bilood ee la soo dhaafay, diyaaradahaas ayuu noocoodu ahaa 737 Max.
Balse wuxuu sheegay in diyaaradda 737 Max ay ka mid noqon doonto diyaaradaha ugu ammaan badan marka ay dib u hawlgasho ee la cilad bixiyo habka ay ku shaqayso, dib u eegisna lagu sameeyo hagaha duuliyeyaasha.
Wasiirka gaadiidka ee Itoobiya ayaa sheegtay in hanaanka diyaaradda ee 737 Max uu horseeday in ay af af u hoobato, shaqaalaha oo raacaya nidaamka xaaladda degdegga ah ee diyaaraddana ay xakamayn waayeen, waxay sidaas ka sheegtay shir jaraa’id oo ay qabatay ka dib markii ay soo baxday warbixintii hordhaca ahayd ee baaritaankii lagu hayay burburka diyaaradda.
Su’aalo la’iska weeydiinayo Boeing kadib shilkii Itoobiya
Duulaamaadka ET302 ayaa burburtay waxyar ka dib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa, waxaana ku dhintay 157 ruux ee saarnaa.
Bishii Oktoobar ee sannadkii horana diyaarad ay lahayd shirkadda Lion Air oo duulimaad lambarkeedu ahaa JT 610 ayaa ku burburtay bad u dhaw Indonesia, waxaana ku dhintay dhammaan 189 ruux ee saarnaa.

Let’s block ads! (Why?)