WHO oo sheegtay inay korortay tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka saf mareenka ah ee Corona virus.

Muqdisho:-Hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay inay korortay tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus adduunka oo dhan.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in dad gaaraya hal milyan iyo 900 oo kun oo ruux oo ku nool meelo kala duwan oo adduunka ah uu hadda hayo xanuunkaan dillaaga ah.

WHO waxay sheegtay in bishan April ay dad badan xanuunkan qaadeen dalal badana uu gaaray, isla markaana ay hey’addu walaaca ugu badan ka qabto in cudurkan uu weli si xowli ah xawli ah kusii faafayo.

Tirada dadka u geeriyooday ayaa gaartay 119,500 adduunka oo dhan, waxaana ka bogsaday 450 kun oo ruux.

Dadka ugu badan waxay ku geeriyoodeen dalka Mareykanka, waxaana xanuunkan u geeriyootay in ka badan 23 kun oo ruux.

Magaaladda dadka ugu badan u geeriyoodeen xanuunka Corona waa New York oo Mareykanka ku taalla, waxaana ku geeriyooday 10 kun oo qof, sida ka muuqata tirokoobkii ugu dambeeyay ee la sameeyay.

Let’s block ads! (Why?)