Weerar Bambaano Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Caawa weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed waxaa ay ku weerareen fariisimo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin agagaarka Xerada Jenaraal Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray Ciidamo ku sugnaa Xarunta weerarka lagu qaaday oo ku taalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in qaraxa,kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidamo ilaalo ka ahaa Xarunta.

Warar qaar oo aan helnay ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhaawacmeen 5 askari oo ka tirsan Ciidankii halkaasu ku sugnaa,isla markaana waxaa loo qaaday goobaha Caafimaadka ee Magaalada si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Kooxihii hubeysnaa ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,kadib markii ay falkaasi fuliyeen,welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii dambe waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan,iyadoona ay xusid mudan tahay in amniga Caasimadda aad loo adkeeyay.

Let’s block ads! (Why?)