Waxgarad iyo Maamulka Sh/Dhexe oo ku masquulsan Dhamaynta Dagaal Beeleed ka dhacay Deegaan ka mid ah Deg.Cadle

Wararka ka imaanaya Defmada Cadale ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobalka Sh/Dhexe Axmed Mayre Makaraan iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelihii dagaalamay uu maanta shir ugu furmay degmada Cadalle ee gobalka Sh/Dhexe si xal looga gaaro colaad deegaanka ku soo laalaabatay oo u dhaxeysa Beelo deegaanka wada dega.


Shirka ayaa furmay saacadihii dambe ee maanta waxaana la sheegay in ilaa iyo hadda uu ku socdo jawi is faham ah waxaana la filayaa in la dhameeyo muran dhinaca dhulka ah oo halkaasi ka taagnaa waqtiyadii dambe islamarkaana dagaalo dhacay ay ku dhinteen dad badan oo labada dhinac ah.
Dhanka kale Colaada oo dhacday muddo hore looga gaaray heshiis hor dhac ah, waxaana kadib hakad giliyay doorashadii madaxweyne Waare, Caleema saarka madaxweynaha, Shirar ka dhacayay Gudaha dalka oo ay Hirshabeelle qeyb ka aheyd iyo dhisamaha Golaha Wasiirada, iyadoo hadda la doonayo in la soo dhameeyo Coladaasi.

Let’s block ads! (Why?)