Waxaa Si Rasmiya Isu Casilay Madaxweynaga Ismaamulka Somalida Ethiopia

Deg-deg: Madaxweynihii Dowlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamud Iley ayaa iscasilay kadib markii uu ku guuldareystay caadaadinta dowladda federaalka Itoobiya.

Isbadalkan cusub ayaa la rajeynayaa in looga gudbo xasilooni darridii uu abuurey Cabdi Iley.

Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u Magcaabay Xilka Madaxweynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida itoobiya Axmed Cabdi Maxamed.

Ninkan ayaa Horay u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Dowlad deegaanka.

Warar kale oo soo Baxaya ayaa sheegaya inuu isugu is Casilay Madaxweynihi hore Cabdi maxamed Cumar

Waxaa loo magacaabay Ahmed Abdi Ilkacase oo noqday Madaxweynaha cusub ee DDSI

[embedded content]

Let’s block ads! (Why?)