Wax ka ogow: Taariikhda Dagaaladii Garraha.

Inkasta oo Isticmaarku dhibaato Xoogan u geeystay Soomaalida, Haddana Qabiilka Garraha ayaa la sheegaa in Dhibaatada ugu badani soo gaartay, waxaa iyaga gooni u ahaa in dhulkoodii la dajiyay Dad kale oo aan Somali aheyn, in la isku dayay in lagu khasbo in Diinta, Magaca iyo Isirka laga bedello.

Qoraalada qaar ayaa leh Garruhu waa Carab Reer Qureysh ah, sida Somalidu u badan tahay, in Culumaddi Diinta soo gaarsiisay ey ku Abtirsadaan. Qoraalada qaar ayaa leh, waa qoowmiyad ka soo guurtay Waqooyiga Afrika 100 Sanno dhalashadii Nabi Ciise CS ka hor. (2200 sanno hor). waxaa loo badan yahay in ey yihiin Gardheere Samaal – Hawiye – Gugudandhabe. Waxa eyna deganaayeen Somaliya intaan Islaamku soo galin, Sida ka muuqata magacyadoodii Islamka ka hor ahaa, iyo Magacyada Jilibyada hoose ee Qabiilka Garraha kuwaa oo aan aheyn Magacyo Carbeed sida: Tuuf, Quraanyoow, Adola, Bann, Kiliya, Asare, Furkesha, Kallula, Ta’uile, Sabdawa, Maqabii, kalwininna, Kalamasa, Bursuni, Odomai, Meyd, Reer Muug, Tabadi, Wardiq, Odkoyo, Birkayo, Oydira, Darawa, Subukitre iyo Jilib hoosaadyo kale, oo muujinaya in ey yihiin Asal Somali aan Carab aheyn.

Waxaa kale oo jira qoraalo leh Garre waxa ey ka yimaadeen laba qabiil . Quranyow waxa ey ka soo farcanmeen Dir weliba Qabiilka Ciise Madoobe ee reer Jabuti, Tuufna Hawiye. dhinaca Wabi Shabeele ayey ka soo guureen 400-500 sanno ka hor si ey uga qayb qaataan dagaalkii Ujuuraanka.

Nin professor ah oo Cilmiga Anthropology ka dhiga Jaamacadda Wilkes University ee Pennsylvania USA ayaa qaba in Garruhu xiriir dhiig la leeyahay Qoowmiyadda Rahanwaynta. Qoraalada qaar ku diidan ayaa leh, Garruhu waa Xoola dhaqato Digil ka tirsan Deegaan ahaan oo kaliya, dhinaca sh/Hoose iyo Deegaano la xiriira, Bacdamaa ey Degaan ahaan ka Go’doonsan yihiin Garraha kale. Dadka Garraha waxaa Hadda lagu qiyaasaa 1.8 Million, Guddaha somaliya ey ku nool yihiin 90.000 ka mid ah.

Xageey degaan?.

Garruhu waxa ey ahayeen qabiil degga Deegaan isku furan, Markii u yimid Isticmaarkii reer Galbeedka ayaa la sameeyay Xuduudo u kala qaybiyay Talyaaniga , Ingriiska iyo Ethiopia oo markii dambe noqday Somaliya, Ethiopia, Kenya, waddama kalena waa degaan Garruhu. Dadka wadanka Chad waxa ey aamin sanyihii in ey yihiin Garre (Tuuf & Quranyoow) , Dalka Chadna waxaa Jiro Qabiil yiraa Toubou oo Turuf ah iyo Gorane oo Quran yoow ah, dhaqan ahaana Garre ah.

Garruha laftoodu waxa
ay dageen dhul Boorantu hore u degganeed, waxa ayna ka bateen Boorantii,
kadibna Boorantii ayaa ku tiri: Naga guura, Laakin hogaamiyahii
Garraha Sh. Bulle Xuseen, ayaa dhiig Adoontiisii Afka ugu shubay si uu
Booranta u yiraa Cudur Cusub ayaa yimid, Boorantiina waa qaxday.

Dhulka Garruhu Xoog iyo Xeeladba uu ku Qabsaday ayaa Isticmaarkii waxa uu siiyay Booranta, sababta oo ah Boorantu ma aheyn Dad Diin leh , waxa la dareemayay in ey fududahay in Booranta laga dhigi karo Dad qaata Diinta Kirishtaanka ,mana aheyn Boorantu Dad hubeysan ama dagaal kala dhexeeyo Amxaarada, Halka Garraha la rumeeysnaa in 100% ey Muslim yihiin, waxa ey lahaayeen dhaqan iyo Aqoon horuumarsan, sida: Cilmiga Xiddigaha, Sixirka, Daawa dhireedka iyo Tacdaada, Waxaa Tacdaada u xisaabsanaa 4 Nin oo kala ahaa: 1) Cabdi Cumar Muuse oo loo yaqiin Abbey Umur Muddow Muuse, 2) Shiikh Cumar “Bahar” 3) Abubakar Mashere. 4) Aunabe Dur.

Qornigii 16aad illa 17aad ayaa Garra badan u soo
guureen Dhinaca Juba, Waxaana Garraha ka haray Geeleeydii garre ee
(Rendille= reer diid). Garrihii dhinaca Juba u soo haajiray waxa ay
soo gaareen Afmadow.

Dagaalo iyo xasuuq.

Garruhu waxa ey la dagaalameen Mustacmaradii Abyssinian ee Xabashida 1889kii markii Menelike soo weeraray, Boqor Menelike ayaa saaray culeys dhaqaale iyo Isir tirid ,kadibna Xeyle Salaase ayaa u geystay Xasuuq badan. Kadibna Mengistu Hayle Maryam ayaa uga baxay ballantii aheyd in haddii boqrtooyadu dhacdo uu siiyo Garraha Gobal u gaar ah, taa badalkeeda waxa uu ku tilmaamay Garrihii Argagixso caalami ah, waxa uuna yiri: waa Somali ee dhulkooda Oromo hala siiyo. Sida taariikhdu sheegee Garre weligood ma ogolaan in ey Ethiopian yihiin, iyo in ey Maamulada Ethiopiana la shaqeyaan.

Amxaarada iyo Ingiriisku waxa ey Garraha u arkeen Dad Qalafsan oo xukun diid ah, aadna u guurguura. Sannadkii 1895tii Garrahii waxaa jabiyay isbaheysigii Ingriis iyo Amxaarada. Hogaamiyihii Garraha Cali Cabdi waxaa uu u baxsaday dhinicii Talyaanigu xakumayay ee Soomaaliya waxa uuna weydiistay Talyaanigii Taageero Hub, waxa uuna uga bedeshay in Talyaanigu haddii ey ku duulayaan Ethiopia ey sii maraan Dhulka Garraha ,waxana la siiyay Hub kadibna Cali Cabdi waxa uu jabiyay Ciidamadii Amxaarada ee deegaankiisa ku soo duulay. Muddo kadib Sannadkii 1913dii, Ingiriiskii iyo Amxaaradii ayaa ku heshiiyay Gaashaanbuur ciidana oo ku duusha dhulka Garraha, waxana dhacay Xasuuqii weeynaa ee Garraha lagu tirtirayay, kadibna Ingiriiska ayaa xakumayay dhulkii Garraha 61 sanno.

Hogaamiyayaashii Garrahana qaarkood waa la qabtay, Qaar kalena waa la
dilay, kuwii Ingriisku qabtay waxaa ka mid ahaa: Gababa Mahad iyo
wiilkiisii Xassan Gababa iyo Cali Cabdi , kadibna Gababa Mahad waxaa uu
ku xirnaa Nairobi 10 sanno iyada oo Xabsiga si xun loogu jirdilay ka
hor intaan la soo deyn, waxa uuna u dhintay jug Madaxa ka soo gaartay
intii uu Xabsiga ku jiray.

Wiilkiisii Xassan Gababa isna waxaa lagu xiray Magaalada Marsabit, waxaana lagu soo eedeeyay Ingiriis neceyb waxaana loo cuskaday Xeerkii Ciidamadda Ingiriiska ee soo baxay sannadkii 1939, Qodobada 23 & 24 aad. Waxa uuna Xabsiga ku jiray 1942-1950kii, kadibna waxa uu u baxsaday dhinaca Adis Ababa, si uu uga faa’iideysto Xiriirkii Ethiopia iyo Ingiriiska oo xumaaday oo dagaal isku bedelay.. Sultan Haji Hassan Gababa waxa uu xubin ka noqday Baarlamaankii ugu horeyaya ee Xayle Salaase, Laakin Xeyle Salaase Marna ma aaminsaneyn Suldaanka, ugu dambeyn Suldaan Xassan Gababa waxa dilay Boqor Xayle salaase Sannadkii 1960 ama 1964tii. Sida qoraala kala duwan aan ku arkay.

Weli Gumaadka Garruhu waa socdaa illa
Sannadahan dambe, Waxaa la sheegaa in si xad dhaaf ah loo gumaaday oo ka
daran xasuuqii Ruwanda, qiyaastiina 700.000 Ruux laga dilay,
Caalamkuna uuna war ka heyn. waxaa kale oo Xabashidu abuurtay colaad
Garraha iyo qabiilada deriska la ah si dhulkooda loogu wareejiyo
Qabiilada dersika la ah ee aan somalida aheeyn. Mar ayaa Boqor Xayle
salaase Amray ciidamadiisa in Garraha oo dhan laga barakiciyo dhulka
Ethiopia oo dhan laga bilaabo October 1964 illaa December 1964, iyada oo
loo aaneeynayo qeybtii ay ku lahaayeen dagaalkii Dowladii Somalia iyo
Ethiopia ee 1964. Sidoo kale Madaxdii sare ee hogaaminayay Garraha ee la
Goowracay waxaa ka mid ahaa Suldaan Roobow Xassan Gababa iyo Dadkii
degenaa Magaalada Wachile, Magaaladiina waa la gubay. Waxaa kale oo
jiraa Dagaalkii Dahabka, Deegaan cabirkiisu dhanyahay 15-50 KM oo ku
yaal Barriga Moyaale ayaa laga helay keyd Dahab oo dhan 1412 Ton.
waxa eyna keentay in mar kale Garrihii deegaanka la sii bara kiciyo.

Sannadihii 2000 ayaa mar kale Xadka u dhexeeyo Kenya iyo Ethiopia laga qaaday olole looga sifeeynayo Garraha, kumanaan Garre ah ayaa lagu dilay, kuwa bandanna waa la qixiyay, Xoolihiina waa laga dhacay waxaana lagu bedelay qabaa’il kale. Dhibaatadaa waxaa u sii dheer Sannadahaan Dambe oo Qaxooti badan oo Somali ahi ey Dibadda iska Dhiibeen, in la yiri, Adinku Somali maba tihiin Qaxootinimana iskuma dhiibi kartiin, illa markii dambe Hayado Caalami ihi ey sugeen in ey yihiin Somali asal ah.

Sababaha Garraha loola Dagaalamayay, Somalinimada iyo
Islaanmimada ka sokoow. Garraha waxaa laga aar gudayaa gacantii ay
siiyeen Axmad Gureey, Ciidamadiisa oo Garraha iyo Mariixaanku ay door
weeyn ku lahaayeen .Qoraalada qaar ayaa leh Qarnigii 14aad Ciidama gaar
ah oo ahaa kuwii Axmed Gurey oo Garre ah ayaa loo xilsaaray fidinta
Diinta Islaamka, bacdamaa Garruhu ku hadlaan luqadda Somaliga iyo
Booranta, si ey ugu fidiyaan Diinta Koofurta Ethiopia. qoraalada qaar
ayaa qaba in Garraha laftoodu ey Islaameen qarnigii 14aad, waxa kale oo
lagu colaadiyaa in ey diideen in ey ka gorgortamaan Diintooda Islaamka
sida Rendille (reerdinle) , Gabras, Samburu iyo Borantu oo isku
dhiibay Isticmaarkii Masiixiyiinta.

Hogaamiyayaashii Garraha ee
Qarnigii 18 & 19 aad waxaa ka mid ahaa: Gababa Maxamed, Mahad
Xusseen, Cabdille Calio, Adowa, Amiin Aadan, Diyad Ibrahim, Aadan
Emoy, Hussen Shuno, Aaden Biloka, Mahad Maxamed, Shiikh Cumar Cabdi,
Xassano Rago, Xassan Kulu, Xassan Gababa, Abdi Isaaq Netello, Shiikh
Webo, Shiikh Cali Maxamed, Aadan Ibrahim, Cali Yeri, Cali Buke,
Axamed Kiti, Shiikh Cali Cabduraxman, Cabdille Bala, iyo kuwa kale.

FG: Aw Gababa – sawirka 1aad. Suldan Xaji Xassan – Sawirka 2aad.
Suldaan Robow – Sawirka 3aad. Suldaan Maxamed Gababa – Sawirka 4aad.
Godkii Dahabka Garraha – Sawirka 5aad. Garraha dega Bartamaha Afrika –
Sawirka 6aad.

FG: Ma ihi Taariikhyaqaan ( Garre oo dhanna 4 Qof
ayaan ka aqaan,iyagiina kalama tashan qoraalkaan oo intii aan
Diyaarinayay isma arag), wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna
ku dar, Arrgtidaada xur ayaad u tahay. Aqoon yahaynka Garre iyo Guud
ahaan kuwa Somalida ayaa laga sugayaa Dhameys tir.

Tixraac Qoraalo ay ka mid yihiin:

1- Identities on the Move: Clanship and Pastoralism in Northern kenya by: Schlee, Günther.

2- The Invention of Somalia. by: Ahmed, Ali jimcaale
.
3- Conflict in Somalia: Drivers and Dynamics. World Bank .

4- Voice and Power, by Hayward and R. J. Hayward, I. M. Lewis

5- Garre live in Southern Somalia, UNDP paper

6- Iyo kuwa kale

Qore: Yahya Amir.

Let’s block ads! (Why?)