Wax ka ogow heshiiska Rasmiga ah ee dhexmaray Jabhadda ONLF Iyo ETHIOPIA

Sida aan xogo hoose oo rismi ah ku helay waxaa shirar caalami ah wada galay madaxda ugu saraysa ururka ONLF oo uu hogaaminhayo Gudoomiyaha Jwxo Adm: Mohamed Omar Osman iyo Madaxda ugu saraysa Dawlada Ethiopia oo uu hogaaminhayo Raysal Wasaare Abiyu Ahmed.

Waxyaabaha lagu heshiiyay ee xaqiiqada ah waa sidan hoose.

1. Inay Soomaalida Deegaanku si buuxda xubin uga noqdaan xisbiga EPRDF, laga bilaabo doorashada 2020 ee dalka kadhici doonta kadib.

2. In khayraadka wadanka sida shidaalka aad looga fiirsado taas oo noqon karta xudunta abuuri karta dagaal mar kale dhexmara Soomaalida deegaanka iyo Ethiopia.

3. In arrinta tirakoobka dib loodhigo mudo 3bilood ah, si looga fiirsado khataraha ka imaan kara hadii la raaco qaabkii hore ee TPLF.

4. In Soomaalida deegaanka Afti buuxda oo xor ah laga qaado mudo 5sano kadib ah.

5. In Gudida Xuduudaha ee heer Fadaraal lagu kordhiyo 5xubnood oo Soomaalida deegaanka ah, matashana shacabka Soomaalida.

Let’s block ads! (Why?)