Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga iyo Wafdi uu Hogaminaayo oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho.

Maalinta Berri ah la filayaa in wafdi heer caalami ah oo ka socda Dowlada Turkiga ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Difaaca Turkiga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay kulan la qaadan doonaan Madaxda Dowlada Soomaaliya, marka ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadli doonaan xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga iyo Saraakiisha Dowlada Turkiga ayaa waxay Booqan Doonaan Xarumaha ay joogaan Ciidamada Militariga Soomaaliya, iyadoo Warkaan ay baahisay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Let’s block ads! (Why?)