Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socda dalka Finland.

Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa la kulmay qaabilay Muqdisho wafdi Finland ah oo uu hoggaaminayay Mudane Pekka Haavisto, oo ah xubin Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Finland.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeybgalay wafdi ka kooban afar xubnood oo ay ku jireen Diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday Machadka Nabadda ee Yurub ayaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Finland u dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gobolka iyo dunida inteeda kale.

Let’s block ads! (Why?)