Wasiirka arrimaha Dibadda oo Su’aallo ka weydiiyey Qaraxii lagu eedeeyay Dowladda Qatar ee Boosaaso.

Waxaa Maanta Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeeshay Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Mudane Axmed Ciise Cawad.

Guddiga ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqooyinka wasaaradda, shaqooyinka la xiriira arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo eedeynta loo jeediyay dowladda Qadar ee la xiriirta qaraxii ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay,isla markaana waxaa ka qeyb galay xubnaha ka tirsan Guddiga arrimaha dibadda.

Kulanka ayaa markii uu dhammaaday kadib waxaa warbaahinta uga warbixiyay Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay qodobadii ay ka wada hadleen Wasiirka iyo Guddiga.

Let’s block ads! (Why?)