Wasiirka Amniga Jubbaland oo lagu xiray Xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya ayaa shalay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku xiray Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Cabdi Nuur Janan,xili uu Muqdisho Transit uga ahaa Magaalada Addis Ababa.

Xariga Wasiirka amniga Jubbaland ayaa waxaa ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal,waxaana uu sheegay in uu galay danbiyo kala duwan.

War qoraal ah oo uu ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka Wasiir ku-xigeenka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku shaaciyay in Wasiirka amniga Jubbaland ay ku raad joogeen Booliska Caalamiga ah(Interpol) iyo Laanta danbi barista ee CID-da.

Dhanka kale Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kal horey laashay Go’aankii dacwada looga gudbiyay Wasiira amniga maamulka Jubbaland iyo amarkii lagu bixiyay la soo qabto,kadib warqad ka soo baxday Bishii April ee sanadkan Maxkamada Gobolka Banaadir.

Let’s block ads! (Why?)