Wasiir Fawsiyo: “Waa Fawdo Dawladdaan la Magac baxday Nabad & Nolol, Waxaa balan nagu ah Madaxweynuhu inuu ku baxo….”

Haweeneyda cusub ee loo magaacabay Wasiirka Tamarta iyo Korontada Dawladda Federaalka ayaa horey uga tirsaneyd kooxda Mucaaradka ee sida weyn uga soo horjeeda Dawladda Nabad & Nolol.

Xildhibaan Fawsiyo Maxamed Shiikh ayaa ka mid aheyd Mudnayaashii la saftay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Md, Jawaari kadib markii ay is qabteen Xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre.

Wasiirada cusub ayaa xilligaasi laga qabtay hadal Cajaa’ib badan, iyada oo waqtigaasi eed kulul dusha kaga tuurtay Dawladda Federaalka iyo Madaxweynaheeda.

“Dawladdaan la magac baxday Nabad & Nolol waa Fowdo, cidna kama yeeleyso fawdada ay wado, Waaw-waaw u socon-meyso, waxaan u sheegayaa Madaxweynaha haddii uu iska deyn waayo fawdada uu wado inuu isaga ku bixi doono ” ayay si carro ka muuqato u tiri.

Haweeneydii Sidaasi u necbeyd Dawladda Nabad & Nolol ayaa maanta heshay Wasiirnimo, Iga dheh Naag nool, Hambalyo Xildhibaan Fawsiyo mar haddii aad Mucaaradnimadaadii ku heshay Wasiirnimo.

Wasiir Fawsiyo: “Waa Fawdo Dawladdaan la Magac baxday Nabad & Nolol, Waxaa balan nagu ah Madaxweynuhu inuu ku baxo Fawdada uu Bilaabay”Haweeneyda cusub ee loo magaacabay Wasiirka Tamarta iyo Korontada Dawladda Federaalka ayaa horey uga tirsaneyd kooxda Mucaaradka ee sida weyn uga soo horjeeda Dawladda Nabad & Nolol. Xildhibaan Fawsiyo Maxamed Shiikh ayaa ka mid aheyd Mudnayaashii la saftay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Md, Jawaari kadib markii ay is qabteen Xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre. Wasiirada cusub ayaa xilligaasi laga qabtay hadal Cajaa’ib badan, iyada oo waqtigaasi eed kulul dusha kaga tuurtay Dawladda Federaalka iyo Madaxweynaheeda. “Dawladdaan la magac baxday Nabad & Nolol waa Fowdo, cidna kama yeeleyso fawdada ay wado, Waaw-waaw u socon-meyso, waxaan u sheegayaa Madaxweynaha haddii uu iska deyn waayo fawdada uu wado inuu isaga ku bixi doono ” ayay si carro ka muuqato u tiri. Haweeneydii Sidaasi u necbeyd Dawladda Nabad & Nolol ayaa maanta heshay Wasiirnimo, Iga dheh Naag nool, Hambalyo Xildhibaan Fawsiyo mar haddii aad Mucaaradnimadaadii ku heshay Wasiirnimo.

Posted by Shiiqaaloow Xasan on Sunday, April 7, 2019

Let’s block ads! (Why?)