1. Murti ayaa leh: Hogaamintu ma ahan in aad khatarta u bareerto si aad u sameeyso wax Dadka kale ey sameey waayeen, Ma ahan Da’ iyo waaya arragnimo oo kaliya, ee waa in aad rabto in aad wax ka bedesho Xaaladda jirto. (F.S:1aad)
( Hogaamiye Dadka ka samata bixi dhibaatada heysato, haddii wanaag jirana, wanaaga Horuumari ama joogteey inta la heeysto)
2. Murti kale ayaa leh: waxaa badan Run sheeg aan la fahmeeyn, iyo Munaafaq Dadku u dhaga nugul yihiin. ( F.S:2aad)
( weli ma aragtay).
3. Somalida ayaa ku maahmaahdo:Qoomkii Duke Duub ka dhigto, meel Raq taal ayuu kula meereeystaa. ( F.S: 3aad)
( Qofka aad daba kaceeyso halka uu u socoto iska fiiri, Hadduu kuu yeeraa isoo raacna, u sheeg: Nin Musqul ka Aadaamay Jameeco ma helo )
4.Murti Reer Galbeed ah ayaa leh: Macallinka ugu wanaagsan waa Khaladkii ugu dambeeyay ee aad gashay. ( F.S: 4aad)
( Haddii khalad aad gasho ama wax laguugu khaldo, Cashar ka dhigo, Si aadan dib ugu noqon ama aad isaga saxdo )
Qore:Yahya Amir.