Wariye Caan ah oo loo Magacaabay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md, Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu sheegay in Mareeyaha cusub ee Golaha Murtida & Madadaaladda loo magacaabay Wariyaha caanka ah ee Maxamed Abuukar Ma’da.

Sifo ahaan Mareeyaha cusub ee loo ikmaday Tiyaatarka waa nin lagu yaqaano Qunyar-socodnimo, hal abuur iyo karti shaqo, waana Masuul Aqoon iyo khibrad u leh Jagada loo dhiibay, waxaana uu Xilka kala wareegayaa Mareeyihii hore ee Golahaasi Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo haatan ku maqan dalka dibaddiisa.

Maxamed Abuukar Ma’da ayaa ka hor inta aan xilkaan loo magacaabin waxa uu ahaa Wariye ka tirsan Warbaahinta Dawladda, wuxuuna soo saari jiray Barnaamijyo ay ka mid yihiin Xusuusta Raadiyaha iyo Qalin & Qoraal.

Hambalyada ka sakow Maaareeyaha cusub waxa haboon in loogu Duceeyo inuu Alle u fududeeyo gudashada Xilkiisa Qaran.

Let’s block ads! (Why?)