Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ, ayaa dhawaantan u dooratay in uu muddo seddax sano ah madaxweyne ka noqdo garsoore Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo Cabdul-Qawi Axmed Yuusuf. Wareysi gaar ah ayuu siiyay idaacadda VOA.
Wariyaha VOA, Sahra Cabdi Axmed, ayaa qadka telefoonka ee Switzerland ku wareysatay garsoore Cabdul-Qawi.