Wararkii ugu Dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel Elit ee Magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa in lagu qaaday Hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaari qarxay ay xigeen koox hubeysan oo gudaha u galay hoteelka, halkaasi oo weli laga maqlaayo rasaas xooggan.

Dadka ku dhaawacmay Weerarka ayaa waxaa ka mid ah Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo ka tirsan shaqaalaha Tv-ga Qaranka iyo Fanaanad lagu magacaabo Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Weriyeyaal ka tirsan warbaahinta Muqdisho ayaa soo sheegaya in khasaaro isugu jira Dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarka, sidoo kale waxaa ay ku waramayaan in dad badan oo dhaawac ay yaalay goobta.

Dhanka kale waxaa halkaas gaaray Gaadiidka Gurmadka goobta uu weerarka ka socda, iyagoona bilaabay in ay qaadaan dadkii ku dhaawacmay weerarka.

Let’s block ads! (Why?)