Wararkii ugu Dambeeyay Qarax Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo Maanta ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, taasi oo noqotay mid qaraxyada ugu badan ay wadadaasi maalin kasta ka dhacaan.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid gaari lagu soo dhajiyay, waxaa uuna gaariga ku qarxay meel ku dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Muqdisho,iyadoo wadada xiligaas ay aheyd mid aad u Mashquul ah badan.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay saxaafadda in qaraxa uu ahaa mid xoogan,isla markaana jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Gobolka Banaadir,iyadoona uusan geysan wax Khasaaro ah.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu lahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, inkastoo la sheegay inuu ka badbaaday sarkaalka, maadaama gaariga uu yaalay Wadada dhinaceeda, hase yeeshee uu ku dhaawacmay qof shacab ah.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan waxaa ka dhaca qaraxyada lagu dhejiyo gaawaarida iyo miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaasi oo saameyn ku yeesha dadka shacabka ah.

Let’s block ads! (Why?)