Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Dagaal Khasaaro Geystay oo ka socda K/Gaalkacyo.

Dagaal Culus ayaa ka socda Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Danab ee Dowladda Federaalka iyo Ciidamo hubeysan oo u abaabulan hab qabiil.

Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii Ciidanka dowladda ay habeeno ka hor Gaalkacyo ku xireen Nin la sheegay inuu Ganacsade ahaa, isla markaana tallaabada lagu xiray Ninkaas ay ka caroodeen Ciidanka hubeysan, sidaasina ay weerar ugu qaadeen Saldhig ay leeyiihiin Ciidanka dowladda.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in dagaalka uu yahay mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan uuna dagaalkaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Laba ruux oo labada dhinac ayaa ku geeriyooday dagaalkaas, halka 12 qof kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo la dhigay Isbitaaka guud ee Gaalkacyo, waxaana weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa aaga uu socdo dagaalka.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Gaalkacyo iyo kuwa Maamulka Galmudug oo ku aadan Dagaalkaasi.

Let’s block ads! (Why?)