WARAABE DAALAY DAGAALKIISAA LOO TAGAA” war hooy galmudug yaan la colaadin

Waxaa muuqata in uu ka soo dabacayo Heerka xumaa ee laga cabsi qabay inuu Gaaro xiriirka u dhxeeya dowlada dhexe iyo Mamul Goboleedka galmudug ka dib markii Galinkii hore ee maanta ay ku dhawaaqeen Maamulka galmudug in deeganadooda aysan Imaan karin masuuliyiin ka tirsan dowlada Dhexe .

Sidaas oo ay tahayna waxaa magaalada Dhuusa,mareeb gaaray wafdi heer wasiiro ah oo uu horkacayo wasiirka arimaha Gudaha injiner sabriye .

Wasiirka arimaha gudaha Injiner sabriye oo wafdigiisu uu ka mid yahay wasiiru,dowlaha Arimaha gudaha c/laahi farax weheliye ayaa Ujeedada sodcaalkooda uu yahay mid la sii Mala, awaalan karo marka dib loo milicsado Waxyaabaha ay isku hayaan dowlada dhexe iyo Maamulka galmudug oo ay ugu horeeyso sidii Loo Ogoleeysiin lahaa doorasho ay gar,wadeen Ka tahay dowlada in ay qabsoonto.galmudug

Maamulka galmudug ayaa horey uga Tirsanayay dowlada dhexe in ay kala kulantay Dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay Cunaqbateeyn iyo faragalin guud oo ay la Wadaagto Maamulada kale waxaana ay ku Dhawaatay xaaladu in ay noqoto Waraabe Daalay dagaalkiisaa loo tagaa ” waase la arki Doonaa natiijada ka soo baxda socdaalka Wafdiga injiner sabriye.

W/Q: Elmi Osman Farah Boodhari

Let’s block ads! (Why?)