War Deg Deg ah:-Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qarax xooganaa ayaa goor dhawayd ka dhacay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Agagaarka Isgoyska Hotel Jubba ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxaan ahaa gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa.


Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay gudaha labadda Wasaaradooda ee Howlaha Guud iyo Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha.

Dhanka kale Qaraxaan ayaa ahaa mid si weyn looga maqlaayay xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana kadib dhacday rasaas muddo socotay.

Let’s block ads! (Why?)