War Deg Deg ah:- Mid ka mid ah Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabelle oo is casilay

Wararka ka imaanaya Xarunta Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Wasiiru Dowlaha Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulkaasi Ismaaciil Maxamed Culusow oo ka mid ahaa liiska golaha wasiirada ee maanta loogaga dhawaaqay magaalada Jowhar uu sheegay inuu iska casilay xilkaas loo magacaabay.


Wasiirka is Casilay Ismaaciil Maxamed Culusow ayaa sheegay inaan lagala tashan xilka uu Madaxweynaha Hirshabelle uu u magacaabay oo ah Wasiiru Dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta.
Dhanka kale Is Casilaada Wasiirkaan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu ku dhowaaqo mid kamid ah golaha wasiirada cusub ee Hirshabelle, iyadoo maanta Madaxweyne Waare uu ku dhawaaqay Golle wasiir oo ka kooban 57 xubnood, waxaana sidoo kale weli la magacaabin Wasaaradda Haweenka cidii Wasiir ka noqon lahayd.

Let’s block ads! (Why?)