War Deg Deg ah: Al-Shabaab oo Ciidanka Dowladda kala wareegay Deegaanka Basra ee G/Sh/dhexe.

Wararka kaimaanaya Deegaanka Basra ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya, in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaankaasi oo maalmihii u dambeeyay ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda, kadib markii Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu halkaasi ka dhacay galabta.


Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Saldhig ay daganaayeen Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo ka mid ah deegaanadii dhawaan laga qabsaday, wuxuuna dagaalka ka bilaawday Deegaanka Baqdaad oo ka tirsan Shabeelaha Hoose iyo Tuulada Jambaluul oo isla Shabeelaha Hoose ka tirsan.
Dagaalka ayaa ku sii fiday Shabeelaha dhexe gaar ahaan deegaanka Basra, Dagaalka ka dhacay deegaanka Basra ayaa qaatay Muddo ku dhaw hal saac waxaana markii dambe si buuxda ula wareegay Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in Ciidankii ku sugnaa Basra ayaa u kala baxeen degmada Afgooye iyo deegaanka Daniga Baalow oo ku dhaw Balcad waxaana la sheegaya inay halkaas isku soo aruursanayaan Ciidamada Dowladda.

Let’s block ads! (Why?)