Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shir looga hadlaayo Arimaha Garsoorka Afrika uga Qeyb Galaya dalka Koonfur Afrika

Magaalada Cape town ee Caasimadda dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Maxkamadda Gobolka Banaadir,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr.Muuse Macalin Maxamed Axmed,waxaana Garoonka diyaaradaha Cape town ku soo dhaweeyay Ganacsatada Soomaaliyeed, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika iyo Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomalida ee dalkaas.

Ujeedka uu tegay Guddoomiye Dr. Muuse Macalin Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shir looga hadlaayo Arimaha Garsoorka Afrika oo ay soo Qaban qaabisay qaabiyeen International Association of Refugee and Migration Judges (IARMJ).

Guddoomiyaha ayaa ka ku matalidoona Garsoorka Soomaaliya Shirka oo ka furmaya Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 01/09/2019 Magaalada Cape town ee Caasimadda dalka Koonfur Afrika.

Let’s block ads! (Why?)