Waa la Dhiman jiray Laakiin Geerida Yariisoow Saameynteeda ayay Leedahay!

Naxdin iyo Murugo ayay muwaadin walba ku qabatay Geerida Guddoomiyihii G/Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan {Yariisow} oo maanta ku xijaabtay magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Madaxweynaha, Ra’iisul-wasaaraha, Wasiirada, Xildhibaanada, Madaxda Dawlad Goboledyada, Masuuliyiinta G/Banaadir, Safiirada beesha caalamka iyo ummadda oo idil ayaa si isku mid ah uga Tacsiyeeysay Geerida Walaalkii innaga baxay, taasi oo muujinaysaa sida loo jeclaa marxuumka.

Waa na-wada dhaafay saaxiibkeenii Wanaaga badnaa, si aan ugu abaal gudno marxuumka waxaa nala gudboon inaan u Duceyno oo aan Alle uga barino inuu geeyo Jannadiisa Fardowsa aheyd!
#Alla_ya_Raxma_Yariisoow

Shiikhaalow

Let’s block ads! (Why?)