Waa kuma madaxweyne Saciid Deni?

Saciid Cabdullaahi Dani Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi (Dani) oo maanta ku guuleystay doorashada Baarlamaanka maamulkaasi ayaa noqday mas’uul ay horyaalaan arrimo fara badan oo ku saabsan maamulkiisa, xiriirka kala dhaxeeya Dowladda dhexe ee federaalka, maamul goboleedyada kale ee dalka, arrimaha ammaanka, nabadeynta beelaha ku dagaalamaya gobolada Sool iyo Sanaag, iyo howlo kale.

LA SOCO WARAR KALE OO KU SAABSAN PUNTLAND

Haddaba Madaxweyne Dani oo horay uga soo shaqeeyay dowladihii dalka soo maray, gaar ahaan dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana u tartamay doorashadii Febraayo 2017-ka ka dhacday Muqdisho inkastoo looga adkaaday ayaa dadka sida aadka ah u garanaya waxay ku tilmaameen inuu yahay mas’uul karti u leh inuu bog cusub u furo maamulka Puntland.

Halkaan ka dhageyso taariikhdiisa


Let’s block ads! (Why?)