Waa kuma Ciise Tarabuun,?

Ciise Tarabuun intaan ka ogahay 2 goor ayeey Hay’adaha Ammaanku soo xireen, sababo la xiriira in looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay Argagixiso, taasoo aan loo helin Cadaymo.

Ugu dambayn Ciise waxa uu maray Habka Cadaaladda, iyadoo lagu xukumay 2 Sanno oo xabsi Ciidan ah oo uu soo dhamaystay.

Ciise ma jirin Cadaymo aan ka ahayn inuu Xisbul Islaam mar ka mid ahaan jiray oo la hor keenay Garsoorka, taasaana keentay in Xabsi gaaban lagu xukumo. Iyadoona Ururkaas uu ka mid ahaa uu burburay.

Talaadadii ayuu Muqdisho ka dhoofay Ciise, iyadoona ka hor inta uusan dhoofin ay Ehelkiisu keeneen Ticket ka uu ku baxayay, Baasaboorkiisa iyo Xog la xiriirta halka uu u socdo iyo sababta, taasna markii ay ku qanceen Hay’adaha Cadaaladdu waxay u fasaxeen inuu safri karo.

Eheladda Ciise waxay sheegeen in Wiilkoodu ay uga masaafuriyeen Dalka si aan loogu arkin in khatar ku yahay Amniga, maadaama dhowr mar la xiray, Waxayna Dowladda Somalia waydiisanayaan inay illaaliso Xuquuqda Muwaadinkaas meel kasta oo uu joogo.

Booliska Kenya waxay baahiyeen Sawirka iyo Macluumaadka Muwaadinkan Soomaaliga ah ee Dalkiisa sida Sharciga ah uga soo baxay, taasoo qayb ka ah Cadaadiska Diblomaasiyadeed ee ay Kenyan-ku ku hayaan Somalia.

Abdicasiis Maxamed Guuleed

Let’s block ads! (Why?)