VIDEO: Axmed Madoobe oo daaha ka rogay sababta ku kalifeysa inuu weeraro Al-Shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubalanad Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo Sabti ah khudbad xasaasi ah u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada maamulkiisa, isagoo ka hadlay arrimo dhowr ah isla markaana ku saabsan weerar ay ku qaadayaan dhammaanba goobaha ay Al-Shabaab uga sugan yihiin gobolada Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadayaan dagaalyahanada ururka Al-Shabaab uu yahay mid uu maamulkiisa ku qaadayo, isagoona sheegay in ciidamada Dowladda, kuwa AMISOM iyo kuwa Mareykanka aanay kula jirin.

“Waan baxeynaa ee na soo raaca inay arrintu noqoto ayaan dooneynaa” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland oo sheegay in taliska AMISOM uu kala shirayo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen weerarada cusub ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale Axmed Madoobe oo khudbad u jeedinayay ciidamo si aad ah u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka oo ay saaran yihiin hubka noocyadiisa kala duwan ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala qeyb qaataan dagaalka looga horjeedo Al-Shabaab, isagoona tilmaamay in Soomaalidu isku tashato oo aanay cidna kaalmo ka sugin.

“AMISOM waxay ku guul darreysteen inay sugaan ammaanka Muqdisho oo aad arkeysaan in xarumahoodii hoobiyeyaal lagu weerarayo” ayuu yiri Axmed Madoobe oo sheegay in tallaabadani ay muujineyso rajada Al-Shabaab isku tuseyso inay awoodeeda soo laabaneyso.

[embedded content]

Let’s block ads! (Why?)