Turkiga oo ka walaacsan ardeyda waxbarashada u raadsada ee ay ka mid tahay Somalida

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay bixiyeen Deeqo Waxbarasho oo ka badan intii ay ugu talagaleen in ay siiyaan Ajaanibta aanan u dhalan dalkaasi oo ay Dowladda Siineyso.

Turkiga ayaa intaa raaciyay in tiro koob lagu sameeyay dadka Ajaanibta ah ee dalkaasi wax ku barta in ay gaarayaan 35-Kun oo arday, kuwaa oo fursat ahaan loo siiyay in ay wax ku bartaan intooda badan Magaalada Ankara.

Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa laga soo xigtay in 10 Dal ay u badan yihiin Ardayda Deeqaha Waxbarasho ka faaiideystay.

Waxa ay intaa raacisay in kororka ardaydaan ay sabab u tahay barakaca ku yimid dadka Siiriyaanka ah ee dalkaasi galay.

Wadamada ay diiwaan gelisay Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa kala ah:- Siiriya, Falatiin, Pakistan, Ciraaq, Soomaaliya, Yemen, Bangladesh, iyo Koofurta Suudaan.

Selim Argun ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Diinta Turkiga ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sii wadista Kaalmada ay siinayaan Wadamada u baahan in ay ka faaiideystaan deeqaha waxbarasho ee ay bixinayaan.

Turkiga oo Soomaaliya soo galay sanadkii 2011-kii, waxa uu deeqo waxbarasho siiyay Soomaaliya oo qaarkood ay wax kusoo barteen dalkiisa, halka qaarna ay wali wax ka baranayaan.

Waxa uuna Kaalin fir-fircoon ku leeyahay Qaaradda Afrika iyo Wadamada Islaamka, waana midda keentay in ay qaabilaan ardayda Tirada intaa la eg.

Let’s block ads! (Why?)