Theresa May oo Dhambaal u Soo Dirtay Xasan sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka dowladda Ingriiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhexe Mudane, Tobias Ellwood.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka guddoomay Wasiirka Tobias Ellwood dhambaal uga yimid Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ingariiska,Theresa May. Dhambaalka ayey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ingariiska,Theresa May, ku caddeysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xirriirka ka dhaxeeya labada dal iyo kor dhinta taageeradda ay dowladda Inagriska siiso Dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Dowladda Ingariiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhex, Tobias Ellwood, ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin aminga, siyaasadda iyo maal gashiga dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub Ingariiska,Theresa May, sida ay ahmiyadda u siineyso iyo garabsiinta dowlada Soomaaliya.