Taariikhdii Sh.Uweys Al-Qaadiry”Rch”

Hordhac : Sheikh Uweys Al-Qaadiry wuxuu ahaa sheikh caalim ah oo Rabbaani ,Taarikhdiisa iyo Siiradiisa suubaneed sida la ogyahay kuma filna kitaab keliya,saas awgeed ayaa loogu horta l’ayahay Qoraa waliba inuu ku xadido cibaaradiisa in yaroo nuxur kooban ah oo ku filan kitaabka kaas uu qoraayo,anigune sidaas baa anshax wanaagsan ila ah,anigoo dowrbidayo hannaanka ugu cilmiyeeysan baadi goobka raad raaca Maraajicda kutubta iyo Raawiga,Maadaama la yiraahdo : Taariikhdu waa “ Giografi Hore “ tusaala ahaan waxaa la xusayaa Xadaarada meeshii Shiikhu ku dhashay kuna barbaarey kheyraad keeda iyo goobahii ku socdaaley,iyo wuxuu kala kulmey safaradiisa iyo wanaagga uu u qabtey Dadkiisa Dalkiisa,markii uu noolaa,dhaxalka wax ku ool ka ah uu ooga tegey xaga Qomiyadiisa,iyo umadda ka dambeeysa kaddib hadii uu naf waayey uu lama huraanka akhira u caraabay,

Ilaahey”Cwj”ayaa ah : Xayun Baaqi,Isaga ayaan ka baryaa inuu i haleeshiyo Towfiiq,aan ku goto shiikha barakeeysan si xaq ah kaga turjumo kitaabkani , Siiradiisa ah. Allow Amiin.Waxaan idin xusuusihaa

Weer horey loo yiri :”Dhigaa ba dhaafee akhriyaa ba hilmaamee” Haddii aad dhaliil ku aragtid,ha noqon walaal seef labood ah,waxaa la yiri : Nin keligiis arkey wax ma arag ,ee dhowr jeer fiiri haddii kale kala tasho Akhyaarta ku xeel dheer aqoonta ama ka raadi “Maraajicda” Hoyoo yinka u ah Taariikhda xusuus now Qiyaamah in leeys weyddiinaayo “Maqalka iyo aragga”

Sheikh Uweys Al-Qaadiry “Rch”
Wuxuu ahaa shiikha ugu weyn Somaliya iyo Afrikada Bary Xagga Diinta Islamka faafinteeda,qawiyeented Naftiisa u hurey, xoolahiisa iyo Raaxadiisa Allaha u naxaristee wuxuu ahaa Mashaaikhda shiikhooda oo aad loo jeclaa aad loo qaddariyo,logana dambeeyo waxeey ku ammaani jireen inuu ahaa “Daaciga”ugu Usluub wanaagsanaa,uguna soo dhoweys qurxoona,uguna gacan furanaa sakhinimada,madaale ayuu ahaa Fii sabiilid Dacwah,iyo Munkarka zuulintiisa,intii uu Sheyddaan

ka duufsadey ne kasoo dhicintooda,sida : Munkarka “Hiikow iyo Manyazi” Loo yaqiiney Oo culumada ooga haajireen Muqdisho, Sh.Uweys wuxuu ahaa shiikh Masuuliyad weyn iska xilsaarey Diinta Islaamka iyo arimahii oo ku wajahan Qaddarinteeda,Fidinta Manhajkeeda ku saleeysan Kitaab ka Ilaaheey “Swt”iyo Sunada Nabi Muxammad “Csws”Sida Diiwaanadiisa ka muuqato lagana fahmaayo inuu ku xeel dheeraa Maxabbada Ilaaheey Weyne Waaxid ahaa iyo maxabbadii Rasuulka iyo maxabbadii Diinta Islaamka iyo inta ku sharafoowdey sida : Owliyada allah,Saalixiinta

Dhalashadii Sh.Uweys Al-Qaadiri

Al-Barawi“Rch”

Shiikhu wuxuu dhashay 1263 Hirijriyah waafaqsan

1845 Miladiyah,ku dhashay “Baraawe” wuxuuna ka dhashay qoys Tunni Baraawe ah oon xoolo Badan laheen,halkaas buu Quraan ka bartey isagoo yar,

Kabacdi wuxuu ku biirey ardada Culuumta ka raacaneeysey Mashaaikhda Mandhiqadaasi wuxuuna ka bartey Luqada carabiga iyo Culuumta Islaamka,aad buuna ugu soo if baxay xagga fahmada iyo fiirada dheerad ka ah,waxaa shiikhyadiisa kamid ahaa : Sh.Muxammad Dayini Al-Shaanshi,isagaane ku dhiiri geliyey inuu aado “Baqdad” uu ka soo qaato“Dhariiqada Qaadiriyah” Iyo “Sanadkeeda Silsilada U nisbeysan ilaa Rasuulka Alla Nabi Muxammad “Csws”Siina mareeyso ”Sheikh Cabduqadir Jeylani”Qadasllahu Sirahu wa Raliya Canhu,maadaama Baqdaad eey u eheed Dhariiqada Qaadiriyah,waddankii hooyo saas ayaa loogu direy inuu u safro”Ciraaq”iyadoo safarku waqtigaas uu shidda badnaa,cabsi,cidlo,dariiq xumo iyo daal

Uusan awoodi Karin illaa nin Geesi madaale ah oo siddi shiikha Ilaaheey tala saartey maahee.

Sh.Uweys Al-Qaadiri”Rch”Wuxuu gaarey magaalada “Baqdad”Xafidahallaahu” Sannadku markuu ahaa qiyaas ahaan 1870

Shiikha waxaa Ilaaheey siiyey Cilmu Daahir iyo Cilmu Badhin : Cilmu Laduni,iyo mowhiba Shicriyah ah uu ku dejiyey Qasaaid : Ilaahiyaat iyo Nabawiyaat iyo kuwa kale oo ku saabsan Nidaamka Dariiqada nooleeynta Sunnada himlin teeda iyo Aakhirada xusuus teeda, u zaad qaadashadeeda,Taqwada Towbat : Allah kacabsiga iyo Dikriga Ilaaheey la kor yeelo lana hormariyo : Suu yiri:

”Wadirullaahi Aclaa, wadikrullaahi Aclaa “ “Wabittaqdiimi Oowlaa Wadikrullaahi Aclaa “ Shiikha Sababta oow u tiriyey ‘Qasiiddadani waad ka akhrin doontaa Kitaabkani in Shaa Allaah,Shiikha Saasoo kale ayuu ku dhiirin gelinjirey Jihaadka,iyo in loo midoobo,iyo Adduunyada waa dhalanteed inaan lagu sirmin,maal iyo madaxnimo jaceeyl aan laeysku diririn, Adduunyada la zuhdiyo oon ajligeed dhiig loo daadinin in la tacbado beeraha ,iyo Qasaaidyo kale oo xikmado fara badan soo aroortey oo Af Carabi, Af Somali Lahjada kala duwan,ayaan kasoo qalin daaranayaa anigoo dul maraayo Inshaa Allaah : Haddii Eebbe uu Doono.

Kutubta Shiikha uu allifey ama uu sharxay :

.Shiikha kutubta uu allifey waxaa kammid ahaa : “Diibaaj” “Rumuuzul Burhaan” Durar “ Iyo Kitaabka “Cumdah” Uu sharxay,iyo “Diibaajul ” oo Caruud ah Uu gadaal ka sharxay,Shiikha isagoo tilmaan kooban ka bixinaayo Buxuuru Ashicri : Baxarrada lagu degiyo Tixda gabayada afka Carabiga qayb kammid ah,Shiikha “Rch” Wuxuu yiri:

“ Wa baxrul Hazji Tasdiisun “

“ Wamiizaanun Mafaaciilun”

“takarrara fiihi Taskiinun “

“ Wa yansikhuhuu Bi xukmillaah”

Sh.Uweys dheere Alqaadiry wuxuu ahaa Ruux Misaali ah oo cajaaib badan Sida Taarikhdu dhigeeyso oo aay qoreen Culumada Islaamka Qaarkood iyo qoroyaal

Kale, kuwa hore iyo kuwa haddaba jooga oo ku kala baahsan Dunida dacalladeeda ,Shiiku wuxuu ahaa sheikh samaan badan oo halyeey ah aad loo jeclaadey oo la iloowi kareen marne,wuxuu kammid ahaa Mashaayikhda waaweeyn oo Somali aad looga qaddariyo diinta islaamka loogguna xushmadeeyo shiikhyaal badan oo can ah ayaa soo dhoweeyeen habka iyo hannaanka uu dacwada u wadey sheikh uweys dheere oo ku saleeysneed Naska kitaabka,iyo Sunnada Nabiga,ijmaaca,iyo qiyaasta,waxaa kammid ahaa mashaayikhdaas : Shiikh xassan Macallim Axmadiyah Raxmaaniyah Sheikh Cabduraxmaan Zeylaci Qaadiriyah oo muddo ka sugaayey shiikha Isnaadka Silsilada”Baqdaad” Iyo shiikhisa Sh.Ismaaciil Maqdashi Qaadiriyah iyo Sheikhul Banadir Sh.Cabduraxman Suufi Qaadiriyah oo isagane sugaayey Isnaadka Silsilada oo

“ Sh.C/Qaadir”Toos ooga timid “Baqdaad”Xafidaha Allaahu Iyo calamka ,

Markuu shiikha ka qaatey qaadiriyada wuxuu yiri:

“Dhibtu nafsan id dakhalnaa”

”silkakum”Thuma intadamnaa”

Waxaa Saas oo kale Silsilada Sanadka leh u sugaayey Sheikh Abubakar Mixdaar Al-Qaadiry Iyo mashaayikh badan oo wada sugaayeen Shiikha Imaashadiisa Meymuuniga eheed

Mashaayikhda Shiikha soo doweeyeen :

Mashaaikhda shiikha kalgaceeyl iyo lab furan kusoo dhoweeyeen waxaa kammid ahaayeen : Sh.Nuureeyni Bin Saabir Axmadiyah Raxmaaniyah, Sh. Cali Maye,Axmadiyah Raxmaaniyah,Sh.Cabdulle Liiban Saalixiya Rashiidiyah kulligood waxeey ka qaateen Sheikh uweys si Tabaruk ah”Ijaaza iyo Isnaadka Silsilada”Baqdaad”Waxaa kammid ah: Sh.Muxammad Quuleed Saalixiyah Rashiidiyah, iyo mashaayikh badan oo kulligood ahaayeen Ahlusunna wal Jamaacah kuna abtirsadeen Towxiidka“Adh-dhariiqaah Al-Mustaqiimah,

Madrisada Sheikh Uweys Al-Qaadiri’RCH’

Shiikh Uweys Al-Qaadiry “Rch”mashaayikh badan ayaa kasoo baxeen madrasadiisa, kana soo

qaateen shiikha Tarbiyada Diiniga oo Ruuxiga Allaha u jazeeyo kheeyr badan,mashayikhda hadda joogta culumaaud diinka ah, shiikhu wuxuu u yahay xagga ku wajehan Diinta islamka awoowe ama abuulan xagga isnaadka Silsilada.Qofkii doonaayo shiikha Siiradiisa,Sifaalahiisa ,Sahan sahankiisa ,Samaantiisa iyo Sifaalahiisa wuxuu ka daalaca karaa : kutubta laga qoray shiikha taariikh nololeed kiisa iyo siiradiisa sida : Saafi nimadiisa,sabar kiisa,samaan tiisa,tawaaduciisa,taqwadiisa,karaamaatkiisa,intaba waxaa ka daawan kartaa kutubta: “Jalaa-ul ceyneen

Let’s block ads! (Why?)