Suuqa ugu weyn Muqdisho oo caawa mar kale ka kacay dab qasaaro geystay

Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa ka kacay dab xoogan oo geystay qasaarooyin hantiyeed kaddib markii uu si dhaqsi leh ugu faafay goobo ganacsi iyo bakhaaro ku yaala bartamaha suuqaasi.

Goob jooge u waramayay shabakadda caalamiga ah Somaliweyn ayaa sheegay inuu bilowday gurmad ay sameynayaan ganacsatada iska leh goobaha uu dabku ka kacay, dadweyne iyo gaadiidka dab-damiska ayaa gaaray halkaasi.

Baaxadda dabka oo yaraa markii hore ayaa sii kordhay kaddib markii uu dib u dhac ku yimid gurmadka daminta dabkaasi, inkasta oo markii dambe lagu guuleystay inuu dabku ku sii fido goobo kale.

Ilaa iyo iminka lama oga sababta keentay inuu dab ka kaco suuqa Bakaaraha oo toddobaadkii hore sidaan oo kale dab ka dhashay koronto ka kacay taasi oo u muuqata inuu sii kordhayo musiibooyinka soo wajahaya suuqaasi marka loo eego shantii sano ee ugu dambeysay.

Let’s block ads! (Why?)