Su’aal Qaloocan, (Maxaad ka taqaan Sharciga lagu dhisay Bankiga dhexe?)

Maanta 14/1/2019 waxaa loo codeeyay Sharciga Bangiga Dhexe, waxaa ogoladay in ka bedelka 158 (91%). waxaa diiday 17 ( 9%). Sharciga Hantidhowraka Guud waxaa ogolaaday 163( 93%) waxaa diiday ( 7%). Iyada oo wax ka badalka sharciga la horkeenay isla Maalintii la Ansixiyay. Waxaa dhalatay su’aal ah, Waxaan arkaa, maqlaa, ku hadlaa Lacag. ( F.S: 1, 2, 3, & 4aad)

Waxana loo cuskaday, sharciyo la diidan yahay oo kala ahaa: Sharcii Bangiga lagu dhisay No.3/1679 soona baxay 30/June/1960kii. Sharci No.6 soona baxay 19/oktobar/ 1968dii. Sharci No,21 soona baxay 8/Febrayo/1975tii. Sharci No.130 soona baxay 22/April/2012. iyo qodobada Dastuurka 114aad, Qodobka 123aad iyo qodobka 99aad faqradihiisa a,b,c,iyo e iyo qodobka 100aad Faqradihiisa a,d. iyo soojeedin wasiirka Maaliyadda ,halkii soo jeedinta laga rabay Gudoonka Bangiga Dhexe.

Sababta ugu weyna waxaa loo maleynayo in la Howl galiyo Gudoomiye Ajnabi ah, intii Bangiga soo martay Gudoomiye waxay wada ahaayeen Somali, Tusaale:

1- Dr Cabdi Adan Maxamed-(1960-63). 2- Sh. Cabdi Xaagi Abiikar-(1964-68). 3-Dr Cabdullahi Axmed Cadow(1968-70). 4- Dr. Cabdraxman Nur Xirsi-(1970-74). 5- Dr. Cumar Axmed ( Cumar Cmuudi)- (1975-77). 6- Dr. Maxamed Jamac Axmed- Jugee. (1978-1984). 7- Dr. Cumar Axmed ( Cumar Camudi)-(1984 1988). 8- Dr. Maxamuud Maxamed Nur-(1988-1990) . 9-Dr Cali Cabdi Camaloow-(1990-91).

Muddo kooban oo aheyd 1960-1970 ayaa waxaa joogay Laba Nin oo Ajnabi ah oo aan Gudoomiyayaal aheyn laakin khibrad ahaan loogu deeqay Bangiga kuwaa oo kala ahaa : Francessco Palamenghi Cripi & Giuseppe Morasca. Dowladihii ka dambeeyay kacaankii marna kuma fekerin qof Ajnabi ah in loo dhiibo bangiga dhexe.

Haddii Qof Ajnabi ah loo dhiibo sidee laga yeelaa: Qodobka 2aad ee Dastuurka Faqradiisa 1aad oo leh Diidnta Dalku waa Islaam. Faqrada 3aad.sharci kasta oo ka hor imaanayo Quraanka Kariimka & Sunnada lagu dhaqmi maayo. Diintee lagu dhaarinayaa, ileyn Islaam ma ahan, waxa kale oo dhaarta ka mid ah, waxaan dhoowrayaa Dastuurka Dalkeeyga , xattaa Dasruur dhoowridii laguma dhaari karo,ileyn Somali ma ahan.

Haddii Baarlamaanka la hor keeno Hindise sharciyeed ah waa in Qodobka 2aad ee Dastuurka la bedelaa. Diinta 2aad ee Dalkana laga dhigo Kiristiyaan, Maxey dhihi doonaan Xildhibaanadu?????. Hala gaaro.

Mala waayay Qof Somali ah oo xilkaa Qaban karo, waxaa dalka ka jiro Bangiyo madax banana ( Private) oo Laamo ku leh Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa, lehna Hanti ka badan tan Bangiga dhexe uu maamulo hadda, waxaana Bangiyadaa Gaarka ah maamula Khubaro Somali ah. Bangiga dhexe Madaxdiisa Hadda joogtana waa ka khibrad badan yihiin Ajnabiga la filayo.

Maxaa diidaya in la raaco Sharciga, Labada Ruux ee is qaba waxaa ka dhexeeya oo ey ku wada noolyihiin waa sharci, haddii sharcigaa lagu dhaqmi waayana qooyska waa lagu kala tagaa, hayadaha dowladuna waa la mid .

Maxaa dhici karo hadda:

1- In muddo aan la buuxin booskaa,inta buuqu ka dagayo kadibna Qof ajnabi ah la keeno.

2- In Qof Somali ah loo magacaabo, muddo kooban kadibna lagu bedel qof Ajnabi ah Bacdamaa la sheegay oo sharciga hore loo sii ansaxiyay.

3-In ku tala galku ahaa in Madaxweynuhu uu diido,lana yiraa: madxweynuhu waxa uu muujiyay wadaninimo,khaladkana waxaa lahaa Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka.

4- In Baarlamaanka lagu ceebeeyo, si ey u fududaato si berri loo kala eryo.

Bal aan ka war sugno, Mowqifka Aqalka Sare iyo Madaxweynaha.

FG: wixii khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku Dar.

Qore: Yahya Amir

Let’s block ads! (Why?)