SOOMAALIYA OO GAARTEY MAQAAM AAN LAGA FILEYN!

Waa la kala tagey boorka ayaa la isku reebay, horumar lixaad leh ayaa la sameeyay, juhdi iyo dadaal aad u balaaran ayaa loo galay sidii cayaaraha Soomaaliya ay ula jaan qaadi lahaayeen asaagooda kale ee caalamka, aqoon, xilkasnimo iyo waaya aragnimo ayaa shaqaysay, dadaal in muddo ah la wadey ayaa haatan mira dhalay, guul taariiqi ah ayaa u soo hoyatey bahda isbortiga Soomaaliyeed, waa cusub ayaa u baryay taageerayaasha jecel cayaarta loo yaqaano Kubbad Cag-yaraha ama Sallaxa {Mini Football}.

Farxad ayaan la dilaaci gaarey markii aan maqlay inay Soomaaliya ka qeyb galeyso Qori tuurka Koobka Kubbad Cag-yaraha Adduunka, saacadda ayaa ila dheeraatey, xamaasad ayaa iga muuqatey, jiriiraco ayaa jirkayga ka kaceysay, xilliga uu dhacayo qori tuurka ayaan dhararayay, su’aalo badan ayaa maankeyga ka dhex-guuxayay, maskaxdeydu waxay inta badan is-weydiinaysay Wadamee ayay Soomaaliya ku Group {Qeyb} noqon doontaa, xiiso waxaan u qabey inay Soomaaliya isku Jiirooni {Dhinac} noqdaan Dalalka waa-weyn ee caanka ku ah cayaarta kubbada cagta caalamka.

Magaaladu waa Tunis, Dalka waa Tuuniisiya, amintu {saacaddu} waa Toddobadii Fiidnimo xilliga Muqdisho, madashii qori tuurka ayaa si rasmi ah loo furey, calamadda 24-ka Wadan ee qori tuurka Ka qeyb qaadanaya ayaa hoolka lagu qurxiyay, indhahaygu waxay ku il doogsanaayaan Calan Buluug ah oo bartanka ay kaga taalo Xiddig cad, sharaf ayay Soomaaliya u aheyd inuu calankooda ka dhex babado {muuqdo} fagaarahaasi caalamiga ah, hanaankii loogu talagalay ayay wax walba u dhaceen, daqiiqado kadib waxaa lagu dhawaaqey sida ay Wadamadu isugu soo aadeen.

Lix Group oo aan kala dhicin ayaa loo qeybiyay Dalalkii tartankaasi isugu yimid, Soomaaliya oo aad loo hadal hayay waxay isku Jiirooni noqdeen Wadamo macruuf ku ah Kubadda Cagta Adduunka, Group la yiraahdo {C} ayay Soomaaliya nasiib u heshay inay ka mid noqoto, Brazil oo aan Kubadda Cagta loogu tagi Karin, Ruushka oo Yurub ay ka baqato iyo Bosnia oo aan dab yar shideyn ayay Soomaaliya isku dhinac noqdeen, lugta ugu horeysa Qarankeenu waxay fooda is-galin doonaan dhigooda reer Brazil oo la og yahay heerka ay ka gaarsiisan tahay cayaaraha caalamka.

Fadhi uma yaalo Xulka Soomaaliya, dadaal, karti, naf hurnimo, iyo ilaalinta sumcadda shacbigooda ayaa hor taalo, tartanka oo ah kii Labaad {2} ee Dunnida la qabto ayaa socon doono inta u dhaxeysa 2-15 Oktoober 2017-ka, Soomaaliya waxaa cayaarahaasi ku matali doono Xul laga soo ururiyay Shanta Qaaradood ee caalamka, maalmaha soo socda ayuu Qarankeenu isugu tagi doonaa Magaalada Tunis halkaasi oo uu ka bilaabi doono diyaar garowgii ugu danbeeyay ee cayaarahaasi.

Rajo aad u balaaran ayaa laga qabaa cayaartoydeenu inay guulo lagu faani karo ay ka soo hoyn doonaan cayaarahaasi, si sahal ah looma muudsan doono wiilasha huwan magaca Soomaaliya, waa dhab in laacibiinteenu ay wajahi doonaan cayaartoy la aaminsan yahay inay quutaan cayaarta kubbadda cagta hase yeeshee Xiddigaheenu ma noqon doonaan qaar lagu dhibco badsado.

“Soomaaliya lagama fileyn inay soo gaari karto heerka ay maanta joogto, waa ALLE mahadii haddii dadaalkii la sameeyay uuna gaarsiiyay inaan ka soo qeyb galno Koobka Kubbad Cag-yaraha Adduunka, xaqiiqdii waa ku cusub nahay cayaaraha heerkaan gaarsiisan laakiin cayaar aan nagala fileyn ayaa soo bandhigi doonaa, guushana ILLAAH idinkiisa xageena ayay ahaan doontaa” ayuu si qiiro leh u yiri Xoghayaha Guud ee Xiriirka Kubbad Cag-yaraha Soomaaliya Xaaji Aadan C/lle Mahdi Qeylow.

Wa suura gal inay Soomaaliya hanato Koobka Adduunka ee Kubbad Cag-yaraha, rajo badan ayaa laga qabaa inay cayaartoydeenu wacdaro la yaab leh ay ka dhigi doonaan tartankaaasi, kubbaddu waa cad iyo maddow, nasiibku waa halkiisa laakiin farsamo, asluub, cayaar wanaag, isku xernaan iyo ka faa’iideysiga fursadaha la helo laacibiinteenu kuma liitaan, hanka taageerayaasheenu aad buu u sareeyaa waxayna ku haminayaan in Xulkeenu uu guul ka keeni doono ka qeyb galka Koobkaasi Adduunka.

Diyaariye: Cabdullaahi Sheekhaalow

Let’s block ads! (Why?)