Somaliland oo xukun ku riday Abwaankii bixiyay Muuse-Shaanni

Maxkamada racfaanka ee gobolka Maroodijeex ayaa lacag qadarkeedu badan yahay iyo xarig culus isku raacisay labo muwaadin loo haystay eedaymo kala duwan oo qaarkood lagu eedeeyay in ay Aflagaadeeyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex ayaa Shan Muwaaddin Ku Xukuntay Lacag Dhan $3,125,000 (saddex Milyan, boqol iyo shan iyo labaatan kun Oo Doollar)

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex ayaa maanta midkiiba ku ridday 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) laba muwaaddin oo la kala yiraahdo Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud.

Waxaa loo heystaa Eedeymaha kala ah

Inay dhiirri-geliyeen jaritaanka xarig ay leedahay Shirkadda Intertentka ee SOMCABLE.

Abwaan Baashe Xasan Maxamed waxa lagu eedeeyay in uu Madaxweynaha Somaliland ku yiri “Muuse-Shaanni”

Let’s block ads! (Why?)