Siyaasiga Somaliga ah!!! (Maqaal siyaasadeed)

Itobiyo waa Cadaw, Maya waa saaxiib, Kenya waa Cadaw Maya waa saaxiib, Maya waxaa dhaxdhaxaad, Carabtu waa walaal miya waa Cadaw, Beesha Caalamkaa na taageertay, Maya Arrimaheena faraha ha Kala baxdo, Deynaa la cafiyay, Maya shuruud Cusub ayaa lagu xiray, Jabuuti waa hiil walaal, Maya Saaxiibadeen ayey necabtahay, Baarlamaankaa u codeeya, Maya wax Ka Soo qaad male, Dib u heshiisiintii guul ayey Ku dhamaatay, Maya waa looga baxay ballaantii, Xil cusubaa la magacaabay si isbedel u dhaco, Maya isbedel Qofeed kaliya waaye.

Siyaasiga Somaliga inteen u raacnaa? Mabaadii’ iyo Dastuur la dhowraa ma jiraan? Ballan la oofiyaa ma jirtaa?, Sharci Islaam ma shaqeeyaa?

Ergaygii UN waa la eryay, kismayo ayaa cashar Ka bartay oo ah in itobiyana la eryi Karo.

Kismayaa 3 Madaxweyne leh, amaa Xamar Ka barataa oo iyna 3 Madaxweyne yeelataa?

Siyaasiyiinta Somalida wax badan iyo wajiya badan Ka sug.

Qore: Yahya Amir

Let’s block ads! (Why?)