SIR MA QABE SAABAA BIYA U CELSHA

Cinwaankaan wuxuu xambaarsan yahay xikmadaad u qota dheer oo qeexeysa qofka daacada ah inuu  mar kasta iyo si walba u guuleysan karo, dhibaato kasta uu maro. Maanta Somaliyawaxay mareysaa marxalad aad khatar u ah oodadka dalka taladiisa haaya aysandareenesaneyn tubta ay ku socdaan iyo meeshaay geyneyso.

Waxaa jira xikmad Talyaani ah oo dheheysadimmi con chi sei ti diro quallo chesei..Somalina waxay tiara ninkaad sirtiisabixi weyso saaxibkiisaa la dayaa”. Madaxdamanta adduunka hogaanka u heysa waxaabadankooda la taliya dadka mujtamaca ugu liitaoo sanka laga wada heysto. Bal fiiriMareykanka inta Madaxweyne Trump talada kaqaato waa kuwa bulshada wax magac ah amamartabad sharaf uga jirin, sida Bolton, M/weyneku xigeenka Mike Pence iyo qaar kale oo aadloo dhaleeceeyo marki ay afka kala qaadaanama ay tallaabo qaadaan.

M/weyne Farmaajo inta u dooda ee la dhacsanxakunkiisa waa kuwa mujtamaca aan wax qiimoah ku lahayn, waayoo hab-dhaqankooda ayaaaad u liita, waana dad aan xakumin waxaafkooda ka soo baxaya. Waxaa jirta xikmadCarabi ah oo dheheysa CAAQILKA CARRABKIISA WUXUU KA DAMBEEYAA CAQLIGIISA DABAALKANA CAQLIGIISA WUXUU KA DAMBEEYAA CARRABKIISA. Carrabkiisawoxow soo gudbiyaa waxaan caqliga ka soobixin..waxa ka soo fulaa waa wax aan lagafiirsan

Wax ka dhacaya Xamar haddii inyar laga xusowaxaad arkeysaa inay tahay meesha kaliya ay dowladdu ka taliso, waxaana tusaale u ah in CeelMacaan ee xudunta Xamar ah ay sheeganeyso Hirshabeelle, xaafadda Wadajirnaay ka tirsan tahay Koofu-Galbeed. M/weyneFarmaajo iyo R/W Kheyre aysan weligood kahadlin xuduudaha gobolka Banaadir oo ah mid la kala boobaayo  si loo wiiqo hamiga dadka u dhashay gobolkaan. DALKAAN DADKLI LAHAA AAWAY!!! Waa maqaal horey u soobaxay.

Dhibaatada heysata dadka Banaadir danahiisa u dooda waxay ka wehsadeen inaysan marnaqaadi Karin tallaabo iyo go’aan ay ku sooceshadaan xuquuqdaa gobolkaan oo ah meeshakaliya ay dowladdu masaruufka ka hesho, dadkiina lagu bahdilay, iaydoon wax dan u ah marna loo heyn.

Tusaalooyin gaaban haaddaan soo qaadannowaxaad arkeysaa in diktatoorada ka taliyacaalamka sida SIISSII oo Masar ah, XAFTAR oo Liibiya dubanaaya ay ku doodaan inay la dagaalamayaan ARGAGIXISOannaganaxildh. IBBI, Wasiir GOODAX, siyaasiSALAAD JEELLE waxay ku qaraabtaanmagaca in xildhibaanada ay u badan yihiinSHABAAB. Dhallinyarada Bajaajkasameystayna ay badankoodu u adeegaan Shabaab.

Intaa waxaa ka khatarsan in M/W Farmaajo intiiuu raadi lahaa xal iyo hab-dhaqan xikmad iyocaqli ku fadhiya uu adegsanaayo AFMIINSHAAR uu xoogaa fara-qabsi la siiyosi loo dejiyo dhibaatada ka dhalatay fashalkahesyta dowladda ay hogaamiyaan labadaasqofood.

Magaalada Muqdisho ma jirto cid ku noolaankarta waana dhibaatada ay abuureen falalkagurracan iyo tala-xumada heysata madaxdadalka oon weli dareemin in tala farahooda kabaxday, meel ay ka taliyaana ay ka jirto Villa Somaliya oo kaliya. Waxaa hubaal ah inaMadaxda dalka ay sir u qarsan tahay taasoo kusaleysan in la wiiqo hamiga Banaadir si uusanweligii u hanan himilada uu xaqa u leeyahaygobolkaan.

Saaxibka M/W Farmaajo waa Aby Axmadwaana la ogaadaay sirta uu maleegaayo eeIlaahow Rabbiyow sharteeda nagaxijaab...AAMIIN.

     Axmad Calasow

Let’s block ads! (Why?)