Shirkii dib u eegista Dastuurka oo dib loo dhigay (Waa maxay sababta?)

Waxaa Goordhow oo Caawa ah la shaaciyay in dib loo dhigay Shirkii dib u eegista Dastuurka dalka oo lagu waday in bari oo ah 8 Octobar uu ka furmo Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka  arimaha Federaalka Soomaaliya Cabdi Raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ku dhawaaqay in shirkaasi dib loo dhigay.

Sababaha ugu weeyn ee dib u dhaca Shirkaasi ayaa loo sababeeyay kadib markii Maamul Goboleedyada Dalka iyo Guddiga Dastuurka Baarlamaanka ay qaadaceen Shirkaasi.

Shirkaasi oo ay qaban qaabadeeyda ay laheyd dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu casuumay Qeeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed si ay uga soo tala bixiyaan dib u geesita Dastuurka.

Arimaha ugu weeyn ee uu shirkaasi u baaqday ayaa la aaminsanyahay in ay tahay is qab qabsiga guud ee ka dhexjira maamulada dalka iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Dad badan ayaa aaminsan in ay tahay arin aan fududeeyn in dib u eegis lagu sameeyay hadda Dastuurka dalka Soomaaliya.

Let’s block ads! (Why?)