Shaqaale lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay halkaasi dil ugu geysteen shaqaalle ka tirsan shirkada isgaarsiinta Hormuud ee Soomaaliya ka howlagasha.

Shaqaalaha la dilay oo lagu sheegay in labba ruux ay ahaayeen ayaa u geeriyooday rasaas ay ku fureen dableyda xili ay joogeen Suuqa Khudaarta ee Bakaaraha waxaana la sheegayaa in raga dilka geystay ay halkaasi isaga baxsadeen.

Ciidamada amaanka ayaa dilka ka dib gaaray goobta uu dilka ka dhacay iyagoo halkaasi ka qaaday meydadka labbada ruux ee la dilay kana bilaaway halkaasi baaritaan ay ku baadi goobayaan raga dilka geystay.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanaayay dilka loo geysto shaqaalaha shirkadaha ganacsiga ee Soomaaliya.

Let’s block ads! (Why?)