Shacabka degaanka Gubadley oo ka cabanaya dhul boob lagu hayo

Degaanka Gubadley oo ka tirsan degmada Kaaraan waxaa maanta ka dhacay kulan ballaaran oo ay yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degaankaasi, gaar ahaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka, ganacsato, haween iyo dhallinyaro.

Ujeedka kulanka ay yeesheen shacabka degaanka Gubadley ayaa ahaa inay ka wadahadlaan arrimo ku saabsan xuduuda degaankooda, dhul boob lagu hayo iyo sidii ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayeen.

Kulanka oo hubnihii ka hadlay ay sheegeen in dad ka yimid xaafado ka tirsan degmada Huriwaa ay ku xadgudbayaan degaanadooda, iyagoona sheegay inay u sameysteen dokumentiyo been abuur ah isla markaana ku doonayaan inay degaanadooda xoog kula wareegaan.

Madasha shirka dhex maray bulshada beesha Gubadley waxaa goob joog ahaa milkiilayaasha goofaf ku degaanka oo halkaasi ku soo bandhigay Dokumentiyo ay siisay Dowladdii hore ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, hase yeeshee kooxahaan dhul boobka ka wada degaanadaasi ay doonayaan inay kula wareegaan qaab aan sharci ahayn.

[embedded content]

Let’s block ads! (Why?)