Shabaab oo Hanjabaad u diray dalladaha Waxbarashada ee ka shaqeeya dalka

Al-Shabaab ayaa digniin u dirtay dalladaha waxbarashada ee ka jira dalka kuwaas oo ay sheegtay in ay wada shaqeyn dhaw la leeyihiin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in Al-Shabaab ay hayso talooyinkii ugu dambeeyay ee ay Dalladaha siiyeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ciddii aan ka waantoobinna ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Waxa uu Cali Dheere sheegay in ay Iskuullada iyo Jaamacadaha ka mid yihiin meelaha ay beegsanayaan hay’adaha shisheeye ee faafinaya aragtiyo kale sida uu yiri, waxaana uu tusaale u soo qaatay Hay’adda UNESCO oo uu sheegay in Manhaj wax u dhimaya caqiidadda Islaamka ay ku faafineyso dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacadaha.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa uga digay Mas’uuliyiinta Dalladaha ee wada shaqeynta hoose la leh dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha kale,waxaana uu ku hanjabay in ay tallaabo ka qaadayaan ciddii ka soo horjeesata.

Let’s block ads! (Why?)