Sh Bashiir Axmed Salaad oo Taageeray Dhibida Qalbidhagax

Gudoomiyaha hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa taageeray talaabada dowlada ay qaaday, waxaana uu sheegay iney qasab tahay in dowlada la garab istaago.

Sh Bashiir ayaa sheegay in dalka haatan uu ku jiro xaalad hormar oo wanaagsan gaar ahaan dhanka amaanka iyo maamulka lana doonayo in dowlada lagu taageero dadaalada ay sameyneyso.

Waxaa uu si dheer uga hadlay go’aankii Xukuumada ay kaso saartay arinta Qalbi-dhagax oo uu sheegay iney tahay amar dowladeed oo aan laga gudbi karin.

Horey waxaa go’aanka dowlada utaageeray qaar kamid ah odayaasha Muqdisho iyo xildhibaano laakiin arintan ayaa lumisay taageero badan oo shacabka uhayeen dowlada Farmaajo iyo Kheyre.

Let’s block ads! (Why?)